Liiska Xildhibaannada Dowladda Waqooyi Bari ee Soomaaliya ee dhawaan lasoo saaray ayaa ahaa tallaabo loo qaaday dhanka yagleelka maamulka iyo sidii loogu gudbi lahaa doorashada Madaxweyne uu dowlad-goboleedkaasi yeelanayo markii ugu horreysay.
Magacyada soo baxay ayaa noqday halbeegii ugu horreeyay ee lagu qiimeeyo jihada ay madaxtinimada maamulkaasi aadayso, waxaana saacadihii ka dambeeyay ku dhawaaqista bilowday ololaha rasmiga ah ee siyaasiyiinta deegaankaas kasoo jeeda ugu jiraan helista codka xildhibaannada cusub ee maamulka.
Laba garab siyaasadeed ayaa ka samaysmay Laascaanood, kuwaas oo midkood uu hanan karo xilka Madaxweynaha.
Haddaba warbixinta waxaan ku eegaynaa waxa ay yihiin garabyadaasi, isbahaysiyada siyaasadeed ee Laascaanood ka samaysmay, waxyaabaha saamaynta leh ee isbeddel keeni kara, iyo qaabka loo akhriyay siyaasadeed ahaan xildhibaannada soo baxay.
Garabka midig: Lamaanaha
Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa ee maamulkii waqtigiisu dhammaaday ee SSC-Khaatumo, oo uu ku lammaan yahay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ahaa labada siyaasi ee sida weyn isha loogu hayay, maadaama ay saamayn xoog leh ku lahaayeen qaab xulista xildhibaannada maamulka cusub loo samaynayey.
Inkasta oo ay dedaal badan geliyeen inay soo saaraan xubno siyaasad ahaan u daacad ah, haddana qaab qaybinta isimada dhaqanka ayaa si weyn u dhaawacay damacoodii.
Qorshaha ay labadan siyaasi dejisteen oo ahaa inay soo saaraan liis uu ka dhasho buuq weyn oo ay diidaan ragga la tartamaya ayaa meesha ka baxay, dhammaan siyaasiyiinta hanka ka leh hoggaaminta maamulkaas ayaana qaabilaad wanaagsan ku soo dhaweeyay. Tan ayaa noqotay dabin ay ka boodeen mucaaridka Firdhiye ee xilka kula tartamaya, waxaana lagu fasiray in si ka duwan lamaanaha isku doonta saaran ee Firdhiye–Abwaan ay mucaaridku u shaqeeyeen.
Mar waxay si weyn aaminaad iyo kalsooni u siiyeen xildhibaannada cusub, ka hor inta aan tartanku soo bixin, iyagoo u muujiyay in masuuliyadda marka ay qaadaan ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan. Tan kale waxay ahayd inay si weyn u dhexgaleen guddiga kala saarista iyo odayaasha dhaqanka oo ay dhexmarsadeen magacyo aanay diidmo ka qabin Firdhiye–Abwaan.
Dhaawac kale oo siyaasadeed oo gaaray labadan siyaasi ayaa ahayd markii madal lagu soo dhawaynayay xildhibaannada cusub ay iska soo garab muuqdeen, taas oo kor u qaaday aragtida ah in Abwaan uu diyaar u yahay inuu kaarka ku-xigeenka saaro Firdhiye. Halkan waxaa fursad ka helay siyaasi Jamaal oo ah shaqsiga keliya ee Madaxweyne doon ah ee gobolka Sanaag ka socda. Waa libin siyaasadeed oo Abwaan u hadiyeeyay Jamaal.
Ku lug lahaanshahoodii nidaamka xulista ayaa loo aanaynayaa in labada siyaasi ee waqtigu isku keenay ay dhib kala kulmayaan, waxaana soo ifbaxay in xildhibaannadii uu soo saaray Abwaan ay rag muhiim ah safkiisa banneeyeen, iyagoo doorbidaya in Sanaag hesho Madaxweyne koowaad ee Waqooyi Bari.
Xildhibaannada cusub ayaa ah kuwo kaam kasta oo siyaasadeed u furan. Si kasta oo ay Firdhiye iyo Abwaan ugu lug yeesheen soo saarista liiska xildhibaannada, haddana ilaa hadda ma muuqdaan saamayn gaar ah oo kaga duwan murashaxiinta kale.
Garabka bidix: Gaashaanbuurta
Dhammaan siyaasiyiinta deegaanka ee uu maamulkani ka kooban yahay, marka laga reebo lamaanaha siyaasadeed, ayaa ku jira garabkan. Waa isbahaysi, haddii aan si kale u dhigno, u taagan aragti mucaaradnimo oo ka soo horjeeda Firdhiye–Abwaan. Safkooda mideysan kama turjumayo inay isku siyaasad yihiin, hase yeeshee waxay isu gaashaanbuureysanayaan in laga hortago lammaanaha ku tiirsan awoodda Federaalka.
Isbahaysigan waxaa ugu tun weyn Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Jamaal Maxamed Xasan, oo ah laba siyaasi oo si kala madaxbannaan tartan ugu jira hanashada kursiga ugu sarreeya ee maamulka, haddana ka mideysan inay hoggaanka maamulka cusub ka badbaadiyaan Firdhiye–Abwaan.
Soo bixitaankii xildhibaannada ayaa si lama filaan ah u soo saaray awoodda siyaasadeed ee hoggaamiye ku-xigeenkii SSC-Khaatumo, Maxamed Shiine. Inkasta oo uu si hordhac ah u shaaciyay doonistiisa hoggaanka, haddana waxaa la hubaa in haddii uu hoolka galo uu noqon karo jaangooye dhaawac siyaasadeed u gaysan kara Cabdiqaadir Firdhiye.
Isbahaysiga mucaaridka ah ayaa xilligan ka kooban Jamaal, Khaliif iyo Shiine, oo ay gadaal ka taagan yihiin shaqsiyaad saamayn dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ku leh deegaanka.
Liiska soo baxay marka qof qof iyo deegaanba lagu cabbiro, waxaa soo baxaysa in xisaabtii ay Firdhiye iyo Abwaan wax ku dhiseen ay xilligan tahay mid wax kasoo noqotay, maadaama halbeegga ay xildhibaannadu wax ku dooranayaan uu meel sare ka galay danaha deegaanka iyo shaqsiyadda murashaxa.
Sanaag oo ah gobolka ugu xildhibaannada badan, qoondo ahaan saddexda gobol, waxay si weyn ugu xisaabtamayaan inay dheellitir ku sameeyaan awoodaha maamulka cusub, si aysan isu raacin dhammaan awoodaha siyaasadeed ee maamulka. Qiyaastan marka laga fiiriyo, Jamaal ayaa ah siyaasiga ugu codka badan ee tartanka ku jira, kaas oo heli kara codad aan lagu loolami karin oo ka imaanaya Sanaag.
Xisaab kale waa dhaqanka Sool iyo Buuhoodle (Togdheer), kuwaas oo si weyn u doonaya inay arkaan siyaasi dhex u ah oo hoggaanka maamulka qabta, taas ayaana fursad siinaysa Cabdirisaaq Khaliif.
Lama filaanka doorashada waxaa noqon kara Maxamed Shiine, maadaama uu kasbaday dhallinyarada asal raaca SSC-Khaatumo, kuwaas oo u arka Shiine shaqsi ka hufan kooxaysi iyo aqoonyahan aragti ka leh deegaanka.
Marka aan isku eegno labada garab ee tartanka Waqooyi Bari dhexmaraya, inkasta oo ay xilli hore tahay, haddana marka la eego aragtiyaha ay ka duulayaan xildhibaannada cusub iyo is-xulufaysiga socda, waxa la isku raacsan yahay in isbahaysiga Bidixda ama mucaaridku uu yahay garabka ku xooggan liiska soo baxay, taas oo ka dhigan haddii ay dhammaystiraan dhismaha isbahaysiga inay qof kamid ah talada qaban karaan.
Xigasho: SomaliStream