Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad dheer ka jeediyay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo kala duwan, wuxuuna soo hadal qaaday ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qiray in guul wayn laga gaaray amniga caasimada, isaga oo sheegay in maanta uu ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa 25-kii sano ee ugu dambeysay.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay ku timid dadaallo ay sameeyeen dowladdiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya, wuxuuna tusaale usoo qaatay horumarka wayn ee haatan ka jira caasimada, maadaama dib loo dhisay.
“Maanta dalka maalin uu ammaankiisa ka roon yahay sooma marin kullina waa laga marqaati kacayay magaalada Muqdisho ood ogaydeen oo waddada ugu caansan ee Maka Al-mukarrama la yiraahdo loo bixiyay waddadii maydka oo qofkii maraa inuu liif ku dhaco qalaf dhahaayay, guryihii dunsanaa iyo magaalada sida ay tahay maanta waad arkeysaan, amniga ayaana ugu wacan” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Amnigaan buuxa waa keensaday Ummadda Soomaaliyeed inaan ka dafirno oon ka xaqirno ma aha, waana uga mahadcelineynaa”.
Madaxweynaha ayaa sidoo kalle tilmaamay in isbeddalkan wayn uu ku yimid dagaalka lala galay Al-Shabaab, maadaama haatan hoos loo dhigay awoodda kooxaha argagixisada ah.
“Waxaa waxaan oo dhan keenay dadaalkii la sameeyay ee nimankan Khawaarijta ah lala galay oo dib loo dhigo awoodooda la yareeyay, lama dhammeyn nimanka khatartooda way taagan tahay laakiin hoos ayaa loo dhigay” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Muqdisho ayaa haatan ku jirto xaalad deganaan ah, iyada oo laga nastay weeraradii qaraxyada ee joogtada ahaa iyo dilalka qorsheysan ee horay uga ka dhici jiray caasimada.
Arrintan ayaa ku timid, kadib markii ay hirgaleen qorshayaal waawayn oo ay keensatay dowladda federaalka, waxaana ugu muhiimsanaa in ciidamo gaar ah loo sameeyay xasilinta caasimada, sidoo kalena la’isku xiray dhammaan hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya.