26.9 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)  – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaalabadiisa ku xigen iyo  inta badan golaha oo xaadiray shirka.

Ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Sharcigan ayaa xoogga saaraya, sirta, bed-qabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka, shabakadaha iyo barnaamijyada, ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda, iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

Intaas kadib shirika Golaha Wasiirad ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee weli ka socda dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalladii u dambeeyay.

Sidoo kale waxaa goluhu soo dhaweeyay abaabulka culus ee haatan socda, si mar kale loo qaado guluf ka dhan ah Khawaarijta, si looga xoreeyay deegaanndii ugu dambeeyay ee ay kooxda qabsatay, si gaar ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee HirShabelle.

ShirkaN oo la qabto todobaad kasta maanta oo kale ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa waxqabadka xukuumadda, iyada oo sidoo kale lagu gaaro go’aanno waa wayn.

Si kastab, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo culus, waxaana sidoo kale haatan taagan guux wayn oo ka dhashay mooshin la sheegay in qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka wadaan Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo haatan dhaq-dhaqaaqiisa si wayn ooga dareemay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

- Advertisement -

Read more

Local News