25.1 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Dowladda Uganda oo ka ogolaatay Mareykanka arrin ay ka diideen dalal badan

Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) – Uganda ayaa oggolaatay inuu Mareykanka usoo tarxiili karo muhaajiriinta aan sharciyada heysan ee dalalkoodii laga diiday, kaddib heshiis ay galeen labada dal.

Heshiiskan ayay Uganda shuruud uga dhigtay in dadkaas aysan lahayn taariikh dambiyadeed, isla markaana aysan ahayn carruur aan waarilkood la socon, sida ay shaacisay dowladda Uganda .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda oo war-saxafadeed soo saartay ayaa sheegtay in labada dhinac “ay ka wada shaqeynayaan faah-faahinta iyo habraaca lagu dhaqan gelinayo heshiiska.”

Uganda waxa kale oo ay sheegtay in ay doorbideyso in dadka lasoo dejinayo ay ka yimaadeen waddamada Afrika. Lama xaqiijin in heshiiska si rasmi ah loo saxiixay, hase yeeshee war-saxafadeedka wasaaraddu waxa uu sheegay in wadaxaajoodka la soo geba-gabeeyay.

Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga ah, Henry Okello Oryem ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP “in Uganda ay caalamka kaga caan baxday siyaasad deeqsinimo oo qaxootiga la xiriirta, balse haddana ay jiraan xuduudo.”

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Uganda ay sidoo kale wada-hadallo kula jirto Mareykanka, kuwaas oo ku saabsan “fiisaha, cashuuraha, cuna-qabateynta iyo arrimo kale oo la xiriira”.

Bishii Luulyo, Maraykanka ayaa shan nin oo dambiilayaal ah ku celiyay boqortooyada koonfurta Afrika ee Eswatini, halka siddeed kalena loo diray Koonfurta Suudaan.

Kadib dib u doorashadii Donald Trump, Mareykanka ayaa sare u qaaday ololaha dib u celinta muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku galay Mareykanka, ayadoo inta badan ay diideen dalalkii ay ka soo jeedeen in dib loogu celiyo.

- Advertisement -

Read more

Local News