Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay xaaladda quusta ee ka taagan Marinka Gaza, kaasi oo ay go’doomisay Israel.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisaalam Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay shirka deg-degga ahaa ee ururka iskaashiga Islaanka ee ka qabsoomay magaalada Jeddaha ayaa muujiyay sida dowladdiisa uga xun tahay xaaladda ay wajahayaan shacabka Falastiin, gaar ahaan dadka ku nool Gaza.
Wasiirka ayaa cambaareeyey xasuuqa iyo dhibaatada ay Israel ku hayso Falastiiniyiinta, isagoo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka, isla markaana la ilaaliyo dadka rayidka ah.
“Soomaaliya waxay ku boorinaysaa in sida ugu dhaqsaha badan loofududeeyo gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo, si loo badbaadiyo nolosha dadka ku dhibaataysan Gaza,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in la taageero xalka arrintaan, taas oo salka ku haya dhismaha dawlad madax-bannaan oo Falastiiniyiintu yeeshaan oo caasimaddeedu tahay bariga Qudus.
“Waxaan bogaadinayna dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu gaaro nabad waarta,” ayuu yiri Wasiirka oo si cad u sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dhulka xubnaha ururka iskaashiga Islaamka, oo qeyb ka tahay Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa haatan taageeraysa dadaallada nabadeed ee xalka loogu raadinayo xaaladda Gaza, oo maraysa meeshii ugu xumeyd, kadib markii Israel ay cuna-qabateyn adag saartay Falastiiniyiinta.

