27.9 C
Mogadishu
Thursday, August 28, 2025

Taliyaha sirdoonka Sudan oo madaxweyne Xasan soo gaarsiiyay farriin xaqiijinaysa…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay Agaasimaha Sirdoonka Suudaan, S/Guud Axmed Ibraahim Cali Mufaddal.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda aranka Soomaaliyeed (NISA), Mahad Maxamed Salaad.

Sarreeye Guud Mufaddal ayaa intii uu kulanka socday Madaxweynaha u gudbiyay farriin uu ka siday Guddoomiyaha Golaha KMG ah ee Sudan, Cabdel Fataax Al-Burhaan.

Farriintan la soo gaarsiiyay Madaxweynaha ayaa aheyd mid lagu xaqiijinayo sida ay Suudaan uga go’an tahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sudan, gaar ahaan dhinacyada wada-jirka danaha labada dal.

Wafdiga uu horkacayo Taliyaha sirdoonka Suudaan ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo sidoo kale kulamo la yeeshay madaxa sare ee dowladda oo ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta is dhaafsiga xogaha.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan toos ula safatay xukuumadda Suudaan, waxayna dhanka kale kasoo horjeesatay dhaqdhaqaaqa RSF ee uu taageero Imaaraadka Carabta.

Waxaa kale oo ay horay dowladda Soomaaliya walaac uga muujisay weerarrada joogtada ah ee ciidamada RSF ay ku qaadaan xarumaha dowladda iyo rayidka ee ku yaalla magaalooyinka Kasala iyo Port Sudan.

“Weerarada noocan ah, waxaa ay halis ku yihiin kana hor imaanayaan shuruucda Caalamiga ah, waan diidanahay in la dhaawaco ilaha dhaqaalaha Suudaan” ayaa lagu yiri bayaan culus oo ay horay u shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan la leh Suudaan oo horay dadka Soomaaliyeed taageero wayn ugu fidisay, gaar ahaan dhanka wabxarashada, waxaana sidoo kale jira xiriir ganacsi oo wayn oo ka dhexeeya labada dal.

- Advertisement -

Read more

Local News