Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
Kulankan ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo si rasmi ah uga mid noqon doona Golaha Shacabka.
Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa lagu soo doortay Magaaladda Dhuusamareeb, kadib markii kursiga HOP#248 uu banneeyay Maxamed Afweyne oo hore ugu fadhiyay.
Afweyne ayaa muddo kooban oo 5 bil ah ka tirsanaa baarlamaanka, waxaana kursigan loo soo doortay 4-tii March ee sanadkan 2025, isaga oo markaas soo buuxiyay, maadaama uu bannaanaa kursiga HOP#248.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Hab-dhowraha Golaha Shacabka, kuxigeenkiisa iyo xubnaha kale ee guddiga, iyadoo uu halkaasi Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu ku dhaariyay Xildhibaan Saadaq.
Saadaq Joon ayaa horay ugu fadhiyay kursiga maanta loo dhaariyay, iyadoo xubinimadiisa ku waayay kadib markii uu aqbalay xilka agaasime ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA), balse mar kale Isniintii ayaa dib loogu soo doortay, si uu ugu laabto baarlamaanka.