24.9 C
Mogadishu
Thursday, August 28, 2025

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Baarlamaanka Shiinaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Yinchuan (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar ku jooga dalka Shiinaha, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei, isagoo kala hadlay arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in saaxiibtinimada xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha ay tahay mid xooggan, oo mudan in lasii Dardar geliyo.

Xamsa Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in saaxiibtinimadan loo beddelo iskaashi wax ku ool ah oo si toos ah u taabanaya shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xamsa ayaa xusay in kor u qaadistii dhawaan lagu sameeyay xiriirka labada dal ee la gaarsiiyey heer Iskaashi Istiraatiiji ah ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah labada shacab, isla markaana loo baahan yahay in loo rogo faa’iido dhab ah.

Wuxuu caddeeyay in go’aanka Soomaaliya ee ah in ay sii xoojiso kalsoonida siyaasadeed ee labada dal iyo ku adkaysiga mabda’a Midnimada Shiinaha (One-China Principle) uu yahay mid cad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay sida Soomaaliya ay ugu diyaar tahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida kalluumeysiga, beeraha, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta awoodda bini’aadamka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa iftiimiyay in horumarka Soomaaliya ku tallaabsatay sanadihii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan cafinta deymaha, dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta amniga, iyo ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ay Soomaaliya ka dhigayaan mid lagu kalsoonaan karo dhan walba.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei, ayaa dhankiisa bogaadiyay adkaysiga Soomaaliya, wuxuuna ku celiyay sida Shiinuhu diyaar ugu yahay in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya si loo fuliyo qodobadii lagu heshiiyay kulamadii dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu sii wadi doono taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News