24.8 C
Mogadishu
Thursday, August 28, 2025

DF Soomaaliya oo caddeysay ujeedka wafdiga Imaaraadka Carabta ee yimid dalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay ujeedka socdaalka wafdiga Imaaraadka ee uu horkacayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi, kaasi oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in socdaalka wafdiga Imaaraadka uu la xiriiro xiisadda Suudaan, iyo wafdigii Taliyaha sirdoonka dalkaasi ee soo gaaray dalka.

“Wafdiga uu hoggaaminayey Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, waxa uu ahaa socdaal muddo labo toddobaad ah la qorsheeyay, kaasoo salka ku hayay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya,” ayaa lagu yiri bayaaan kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka: “Waxaa jiray warar been abuur ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay warbaahinta bulshada, kuwaasoo socdaalka wafdigaan la xiriirinayay imaanshihii mid ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee soo booqday dalka.”

Dowladda ayaa sheegtay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada socdaal, iyada oo qorshaha booqashada wafdiga ka yimid Dowladda Imaaraadka Carabta uu yahay safar hore loo qorsheeyay muddo laba toddobaad ah ka hor.

Safarkaan ayay sheegtay inuu khuseeyo oo kaliya xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, isla markaana uusan daba socon wafdigii Suudaan ka yimid iyo xiisadda dagaal ee ka taagan dalkaas.

Tan ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan xogo sheegay in wafdiga Imaaraadka uu la xiriiro arrinta Suudaan oo Imaaraadku si toos ah ugu lug leeyihiin. Wafdiga Muqdisho yimid ayaa hoggaaminaya masuulka galka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Imaaraadka, wuxuuna socdaalkiisa ku soo aaday, iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu muddooyinkii u dambeeyay mugdi galay.

Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa toos u eeganeysa Imaaraadka oo ku lug yeeshay qadiyado dhaawacaya Midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya, halka Imaaraadku ay xitaa isku dayaan inay aragtida dowladda federaalka jiheeyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ku taageertay dowladda Suudaan guulaha ay ka gaartay dagaallada ka dhanka ah Kooxda RSF ee Imaaraadku taageero, waana halkaas meesha seddaxda dal ay iska arkeen.

Imaaraadka oo xoogga saaraya in dowladda sharciga ah ee Suudaan uu meesha ka saaro ayaa taageera kooxda falaagada ah ee RSF oo dagaal ba’an kula jirta dowladda, halka dowladda Soomaaliya ay toos u taageertay jiritaanka iyo guusha dowladda sharciga ah ee Suudaan.

- Advertisement -

Read more

Local News