Helsink (Caasimada Online) – Dalka Finland wuxuu sii wadi doonaa hakinta barnaamijkiisa horumarinta ee Soomaaliya ilaa ay Muqdisho aqbasho dad badan oo la celinayo, waxaa sidaas sheegay Wasiirka Horumarinta, Ville Tavio, isagoo intaa ku daray in gargaarka dib loo bilaabi doono oo kaliya marka laga gaaro “horumar la taaban karo” oo ku saabsan celinta dadka Soomaalida.
“Waxaan u maleynayaa inay caddaalad tahay in maamul aan soo dhoweyneyn muwaadiniintiisa uusan isna helin maalgelin horumarineed,” ayuu yiri Tavio.
Finland waxay hakisay Barnaamijkeedii Soomaaliya ee Somalia Country Programme bishii Nofeembar 2024, iyadoo joojisay go’aannada cusub ee horumarinta, laakiin oggolaatay in la dhameystiro mashaariicdii horey u socday. Hakinta ma saameyneyso gargaarka bini’aadannimo, deeqaha la siiyo ururada aan dowliga ahayn ama taageerada qeybta gaarka ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qorsheysay inay sanadkiiba u qoondayso Soomaaliya 8 ilaa 9 milyan oo Euro laga bilaabo sanadkan, laakiin wali laguma dhawaaqin xirmo cusub oo beddesha tii hore.
Warbaahinta dadweynaha ee Yle ayaa sheegtay in Tavio uu soo jeediyay halbeeg ah in ugu yaraan 100 muwaadin Soomaaliyeed la aqbalo celintooda kahor inta aan dib loo soo celin maalgelinta horumarinta. Wuxuu diiday inuu ka hadlo tiradaas isagoo u soo mariyay kaaliyihiisa.
Arrinkan ayaa siyaasad ahaan xasaasi ka ah Soomaaliya, halkaasoo mas’uuliyiintu ay daliishadaan xaaladaha amni iyo inay ka caga-jiidayaan inay dib u qaabilaan muwaadiniin dibadda ku soo galay xukunno dembiyeed.
Celinaha qasabka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn loo hakiyay ku dhawaad saddex sano laga soo bilaabo 2021, waxaana dib loo bilaabay dabayaaqadii sanadkii hore.
Ilaa hadda sanadkan, booliska Finland waxay celiyeen 11 muwaadin Soomaaliyeed, oo saddex ka mid ah ay si iskeed ah u noqdeen. Guddiga Booliska Qaranka ayaa ku qiyaasay in qiyaastii 100 ilaa 200 oo muwaadin Soomaali ah ay suurtagal tahay inay sugayaan in la celiyo, inkastoo aysan bixin tiro sax ah. Hay’adda Socdaalka Finland waxay sanadkan soo saartay 128 go’aan oo tarxiil ah oo ku socda muwaadiniin Soomaaliyeed; celinta badankeed waxay ku lug leedahay dad lagu helay dembiyo.
Sida uu dhigayo sharciga Finland, hal dembi oo ciqaabtiisa ugu badan ay tahay ugu yaraan hal sano oo xarig ah, ama dembiyo yaryar oo soo noqnoqda, ayaa sababi kara tarxiil. Go’aannada diidmada magangalyada ayaa ah sabab kale oo caan ah.
In kasta oo celinta dadka ay maamusho Wasaaradda Arrimaha Gudaha, haddana barnaamijka isbaheysiga talada haya wuxuu u oggolaanayaa Finland inay ku xirto gargaarka horumarinta iskaashiga waddan lala shaqeynayo ee dhinaca dib-u-qaabilidda iyo taageerada uu u hayo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan shuruucda.
Iyadoo dooneysa inay dardargeliso celinta dadka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mari Rantanen ayaa booqatay Muqdisho bishii Janaayo si ay ula kulanto Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil. Sidoo kale Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil wuxuu u safray Helsinki dabayaaqadii bishii Juun si uu ugala soo qeybgalo wadahadallo daba-socod ah.
Rantanen waxay sheegtay inay “muhiimad weyn u leedahay Finland in la dhiso habraacyo celin oo wax-ku-ool ah oo lala yeesho Soomaaliya,” iyadoo intaa ku dartay in iskaashigu uu horumar ka samaynayo.
Si loo taageero fulinta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qorsheyneysaa mashruuc muddo-gaaban ah oo ku kacaya dhowr boqol oo kun oo Euro si loo xoojiyo hawlaha hay’adda socdaalka Soomaaliya.
Jaaliyadda Soomaalida Finland waxay tiradoodu gaaraysaa qiyaastii 20,000 oo qof, oo ku dhawaad kala bar ay ku nool yihiin nawaaxiga magaalada Helsinki, sida uu sheegay Ururka Soomaalida Finland (Finnish Somali League).
Qiyaastii saddex-meelood labo meel waxay ku dhasheen Finland. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xiriirka labada dal uu dhinacyada kale ka wanaagsan yahay, dowladduna waxay tilmaantay in hakinta horumarinta la qaadi karo marka uu soo hagaago iskaashiga dib-u-qaabilidda.
Go’aanka Finland wuxuu ku soo beegmayaa xilli dhowr waddan oo Yurub ah ay adkeynayaan mowqifkooda ku aaddan muhaajiriinta Soomaalida. Dalka Jarmalka, mas’uuliyiintu waxay kordhiyeen tarxiilka muwaadiniinta Soomaalida ah ee lagu helay dembiyo culus, iyagoo cuskanaya amniga guud iyo waajibaadka sharciyeed.
Sweden ayaa sidoo kale qaadday tallaabo adag. Dowladda waxay xagaagan tarxiishay siddeed Soomaali ah, waxayna isu diyaarineysaa inay celiso ugu yaraan 15 kale, kuwaasoo badankoodu ay hadda xabsiyada ku jiraan. Isbeddelka siyaasadeed wuxuu ka tarjumayaa dadaalka ballaaran ee Sweden ay ku dhaqangelinayso qaar ka mid ah sharciyada socdaalka ee ugu adag muddo tobannaan sano ah, kuwaasoo ay taageerayaan xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats.
Dowladaha kale ee Yurub ayaa si is barbar socota u adkeynaya kontoroollada. Ireland waxay ballaarisay kormeerka xuduudaha kaddib markii magangalyo-doon, oo ay ku jiraan Soomaali, ay ka soo gudbeen UK si ay uga fogaadaan qorshaha muranka dhaliyay ee London ee Rwanda.
Jasiiradda gacan-saarka le leh Faransiiska ee Mayotte oo ku taal Badweynta Hindiya, ayaa waxaa ku xayirmay muhaajiriin Soomaali ah oo wajaha halis tarxiil, taasoo qayb ka ah ololaha ay kula dagaallameyso socdaalka aan sharciga ahayn.