28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is afgarad oo lagu dhisayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu dhisayo hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo labada dhinac ah, kadib kulan ay yeesheen Wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal ee walaalaha ah.

Ugu horreyn wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa xarunta wasaaradda kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka dhex-maray labada dhinac ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal ee dan-wadaagga ah.

Sidoo kale, intii uu socday kulanka waxa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka amniga, xasilloonida gobolka, iyo arrimaha caalamiga ah ee labada dal ay danaha ka leeyihiin.

Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si dhow la iskula shaqeeyo si loo horumariyo nabadda, horumarka, iyo barwaaqada Geeska Afrika.

Intaas kadib labada wasaaradood ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, taas oo dhisaysa hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu sii xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed isla markaana uu horumariyo mudnaanta labada dal ee heer gobol iyo heer caalami.

Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, dhaqan iyo walaaltinimo, waxaana dhisidda iskaashigooda soo jireenka ah uu xoojinayaa wada-shaqeyntooda iyo isu soo dhowaansho ah labada dowladood.

- Advertisement -

Read more

Local News