28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Sawirro: R/W Xamza oo si cajiib ah loogu soo dhaweeyey Madaxtooyada Serbia

Bookmark
Bookmarked

Share

Belgrade (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Belgrade ayaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada ee Serbia, iyada oo loogu sameeyay maamuus heer sare ah, kadibna wuxuu kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi Mudane Đuro Macut.

Labada Ra’iisul wasaare ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan  dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.

Sidoo kale labada dowladdood ayaa kala saxiixdeen heshiis wada-shaqeyn ah oo la xiriira caafimaadka, kaas oo ay iska kaashan doonaan Soomaaliya iyo Serbia.

Xamse oo kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado maalgashi oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha buluugga ah, Beeraha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ganacsatada Serbia siinaya fursad maalgashi ay ku sameyn karaan.

Sidoo kale  waxa uu ku casuumay dowladda iyo ganacsatada Serbia in ay soo booqdaan Soomaaliya, si loo sii ballaariyo iskaashiga labada dal, loona sahmiyo ilaha ku habboon ee ay maalgashi ku sameyn karaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale uga mahad celiyey dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia Mudane Đuro Macut soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga la socda, isaga oo xusay in la sii xoojin doono iskaashiga diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa safarkan kahor lugta soo mariyay dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb galay Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabtay magaalada Yinchuan, wuxuuna soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.

Waxaa kale oo uu kalan lasoo yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei, isaga oo kala hadlay soo celinta saaxiibtinimada xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhaxaysay Soomaaliya iyo Shiinaha.

- Advertisement -

Read more

Local News