29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Wasiir Jaamac oo dal kale u soo jiiday maalgashiga dekedaha Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Baxreyn ayaa shaacisay in ay Soomaaliya ka taageerayso horumarinta dekeddaha dalka, iyadoo ballanqaaday dhismaha deked cusub iyo garoon diyaaradeed casri ah.

Ballanqaadka Boqortooyada Baxreyn ayaa imanaya kadib kulan muhiim ah oo magaalada Jeddah ku dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta ee Boqortooyada Baxreyn, Dr. Sheikh Abdullah bin Ahmed Al-Khalifa.

Kulankan gaarka ah ayaa qabsoomay intii lagu guda jiray shirweynaha meertada labaad ee sancada gaadiidka badda, kaas oo ka dhacay magaalada Jiddah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Kulanka ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Baxreyn.

Wasiiradu waxay diiradda saareen taageerada Baxreyn ay siin karto Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu casriyeynayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, oo ay ka mid yihiin horumarinta deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo casri ah.

Sidoo kale, kulankan ayaa ahaa fursad lagu adkeynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo iskaashiga mustaqbalka ee dhinacyada gaadiidka, dekedaha, iyo isgaarsiinta, si loo gaaro horumar waara oo kaabaya dhaqaalaha iyo koboca dalka.

Dhinaca kale, Wasiir Jaamac oo sii xoojinaya cilaaqaadka dhanka dekedaha ee dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa maanta kulan kale la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Boqortooyada Sucuudiga, Dr. Rumaih Al-Rumaih.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhinacyada la xiriira isku xirka badda, adeegyada saadka, iyo fursadaha horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaasha iyo mashaariicda waaweyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dekedaha dalka, dhismaha aag dhaqaale, iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta isku xirka ganacsi ee gobolka.

Labada dal ayaa isla qiray muhiimada iskaashi istaraatijiyadeed oo waara, kaas oo gacan ka geysan kara xoojinta xiriirka dhaqaale iyo horumarka gobolka guud ahaan.

- Advertisement -

Read more

Local News