Rio de Janeiro (Caasimada Online) – Bilyaneer reer Brazil ah ayaa la sheegay inuu hantidiisa oo dhan dardaaran ahaan ugu reebay cayaaryahan Neymar, inkastoo la sheegay in labadoodu aysan weligood is arag.
Neymar, oo 33 jir ah, ayaa lagu warramayaa in loo ballanqaaday lacag aad u badan oo dhan hal bilyan oo dollar, taasoo uu uga tagay nin reer Brazil ah oo geeriyooday oo aan magaciisa la shaacin, kaasoo la sheegay inuu ahaa bilyaneer.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Brazil ee RIC, dardaaranka waxaa si rasmi ah loogu diiwaan geliyay xafiis ku yaalla Porto Alegre, waxaana la ansixiyay Juun 12, iyadoo la sheegay inay goobjoog ka ahaayeen labo markhaati.
Arrintan ayaa hadda la sheegay inay u baahan tahay ansixinta maxkamadaha Brazil si Neymar loogu magacaabo dhaxal-sugaha ninkaas – kaasoo suurtagal ah inuu u doortay sababtoo ah inuusan lahayn carruur uuna ahaa doob.
Neymar weli si fagaare ah ugama hadlin wararka la xiriira hantidan – laakiin dardaaranka ayaa la kulmi kara caqabado sharciyeed xitaa haddii la ansixiyo.
Ganacsadahan ayaa la sheegay inuu u doortay inuu hantidiisa siiyo Neymar sababtoo ah ‘wuxuu shakhsi ahaan isaga arkaa isaga,’ sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah.
Waxa la sheegay inuu la dhacsan yahay xiriirka qoysnimo ee adag ee Neymar, gaar ahaan xiriirka uu ciyaaryahanku la leeyahay aabbihiis, Neymar Sr., kaasoo ‘xusuusinaya aabbihiisii geeriyooday’.
Cayaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa hadda ku soo laabtay Brazil, isagoo bishii Janaayo doortay inuu dib ugu biiro kooxdiisii carruurnimada ee Santos, kaddib waqti aan u guulaysan oo uu ku qaatay kooxda Al-Hilal ee Horyaalka Sucuudiga.
Wuxuu dhaliyay saddex gool 14 kulan oo uu saftay qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2024-25 – isagoo horey u dhaliyay 136 gool 225 kulan oo uu u saftay kooxda intii u dhaxeysay 2009 iyo 2013.
Bishii Juun, wuxuu doortay inuu cusbooneysiiyo heshiiskiisa kooxda Santos, taasoo suurtagal ah inay u gogol xaarto waddo uu kaga soo muuqan karo xulka Brazil ee Koobka Adduunka ee sannadka soo socda.
Warbixin lagu daabacay website-ka kooxda, wuxuu ku yiri: ‘Go’aan ayaan qaatay, waxaana dhagaystay qalbigayga.’
‘Santos ma ahan oo kaliya kooxdayda, waa gurigayga, xididdadayda, taariikhdayda iyo noloshayda.’
‘Halkan waxaan ku ahaa wiil yar oo nin ku noqday, si dhab ahna waa la i jecel yahay. Halkan waxaan ku noqon karaa naftayda, oo aan si dhab ah u faraxsanahay. Waana halka aan doonayo inaan ku xaqiijiyo riyooyinka ka dhiman xirfaddayda ciyaareed.’
‘Waxna ima joojin doonaan. Waan tagaa, waan soo laabtaa, waana joogayaa. Meeshii ay wax walba ka bilowdeen iyo meesha aysan weligood ku dhammaan doonin.’
Wuxuu rajeynayaa inuu helo muddo joogto ah oo uu u ciyaaro kooxda Santos isagoo ka fogaanaya dhaawacyo, kaddib markii uu la daalaa dhacayay dhaawacyo intii lagu jiray 18-kii bilood ee uu joogay Sacuudi Carabiya.
Kama uusan soo muuqan xulka Brazil tan iyo markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah (anterior cruciate ligament – ACL) bishii Oktoobar 2023, laakiin wuxuu weli yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda dalkiisa isagoo leh 79 gool.

