30.6 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Xildhibaannada mucaaradka oo qaylo dhaan soo saaray kadib arrrin soo korortay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Samatabixinta Qaran oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa si adag uga haday xaaladda cakiran ee uu ku jiro Baarlamaanka iyo habac-sanaanta ku timid guud ahaan shaqadii socotay ee Golaha.

Xildhibaannada soo saaray warqadda oo u badan kuwa mucaaradka ayaa ku eedeeyay guddoonka Baarlamaanka inuu gabay shaqadii loo igmaday, isla markaana uu ku milmay xukuumadda, sida ay ku caddeeyeen qoraalkooda.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Samatabixinta ayaa nasiib darro ku tilmaamay inuu sii xirnaado Baarlamaanka, iyada oo dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah oo siyaasadeed, waxaana ahayd in kalfadhigooda uu furmo 22-ka bishii hore ee Agoosto ee 2025.

“Waxaa nasiib darro ah, iyadoo waddanka ku jiro marxalad cakiran oo siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale uu guddoonka iclaamin waayay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka sida uu dhigayo heer hoosaad golaha iyo dastuurka ku-meelgaarka  ah ee 2012” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale ku wargeliyay shacabka iyo dalalka taageera Soomaaliya in wixii fashil ah ee ku yimaada golaha uu qaadi doono guddoonka sare ee Baarlamaanka, gaar ahaan guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo labadiisa ku xigeen.

Waxaa kale oo ay sheegeen in guddoonka u uu caado ka dhigtay in uu ka gaabiyo howlihii loo igmaday, isla markaana ay guud ahaanba fariisatay shaqadii Golaha.

Dhawaan xildhibaannadan ayaa si weyn u taageeray warsaxaafadeedkii kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo iyadu dalbatay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaan si deg-deg ah loo qabto doorashada maamullada dalka oo sidoo kale la’isugu imaanayo shir wadatahi ah.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale boggaadiyay bayaanka kasoo baxay maamullada Jubaland iyo Puntland ee lagu ayiday qodobada ay soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka ee uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo dhawaan heshiis siyaasadeed ay gaareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo 4 kamid ah xubnihii mucaaradka ee isaga baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo isla meel dhigay qodobo taabanaya dastuurka iyo doorashada.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo keentay hubanti la’aan, waxaana xoogeysanaya dhaq-dhaqaaqyada iska soo horjeedo ee dowladda iyo xubnaha mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News