25.3 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Mareykanka oo ciidan cusub u tababaray DF + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ciidamo gaar ah u tababartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kamid noqonayo ciidanka Kumaandooska Danab ee uu gacanta ku hayo Mareykanka.

Ciidamadan ayaa tababarka ku qaaday xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana maanta tababarka usoo xiray taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.

Askarta loo soo xiray tababara ayaa intii ay socotay munaasabadda soo bandhigay dhoolatus cajiib ah, iyaga oo fagaaraha ka dhigay wacdaro, soona bandhigay wixii la baray.

Danab ayaa ah ciidamo gaar ah oo uu taageero Mareykanka, wuxuuna siiyaa tababar iyo qalab, iyaga oo sidoo kale la howlgala ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Sidoo kale, ciidamadan ayaa fuliya howlgallada gaarka ah, iyaga oo mararka qaar u daata degaannada ay joogaan Al-Shabaab, kadibna kasoo fuliyo howlgallo bartilmaameedyo ah.

Dhismaha ciidanka kumaandooska Danab ayaa waxaa faa’iido weyn ay u tahay Soomaaliya, maadaama toban sano kaddib ay haystaan tababar sare iyo awood ciidan oo Afrika ka dhex muuqata, sida uu sheegay taliyaha cusub ee AFRICOM General Dagvin R.M. Anderson.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadan ay yihiin mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ee Qaaradda Afrika, ayna tusaale u yihiin dhammaan ciidamada kale.

“Muddo toban sano ah ayaa dhiseynay Ciidanka Danab, waxaan ka dhignay mid kamid ah Ciidanka ugu awoodda badan Afrika, Danab waa tusaale fiican, waxa aan la leenahay taariikh iskaashi oo aan sii wadi doonno” ayuu yiri taliyaha cusub ee howlgalka AFRICOM.

Mareykanka ayaa haatan qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News