30.6 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Biixi oo shaaciyey xogta isku daygii Abiy Ahmed uu Farmaajo ku gayn rabay Hargeysa

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka xog warramay arrimo xasaasi ah oo dhacay muddo xileedkiisii, inta uu ahaa madaxwenaha ayaa ka sheekeeyay arrin ku saabsan isku daygii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku doonayay inuu Hargeysa ku geeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Biixi ayaa sheegay in Abiy Axmed uu mar isku dayay inuu heshiisiiyo isaga iyo Farmaajo, si ay uga wada shaqeeyaan arrimaha midnimada, si loo gaaro heshiis miro dhal ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo xilligaas saaxib la ahaa Farmaajo oo uu ku casuumay xafiiskiisa, isla markaana si lama filaan ugu soo hadal qaaday arrinta heshiiska, balse uu isagu ka biyo diiday, sida uu hadalka u dhigay.

“Abiy wuxuu noo yeedhay aniga iyo Farmaajo, markaasuu qudbad noo jeediyay, wuxuuna yidhi ‘heshiisiya’. Waxaan ku idhi: shacabka ayaa i doortay, shacabkuna fariinta kala go’a uun bay ii soo dhiibeen,” ayuu yidhi madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in mar kale uu Abiy isku dayay inuu Farmaajo geeyo magaalada Hargeysa si uu booqdo halkaasi, balse uu ka hor istaagay, maadaama ay iyagu ka go’an tahay ka gun-gaaridda arrinta ictiraafka iyo madax bannaani ay hesho Somaliland.

“Farmaajo ayaan toos ula hadlay, waxaanan ku idhi: ‘Maanad ahayn nin Soomaali ah? Haddaad doonayso inaad Hargeysa timaaddo si kale ayaad u imane, inagada.’ Isaguna wuxuu yidhi: ‘Waa hagaag.’ Hase ahaatee, Abiy ayaa dhabarka ka riixayay,” sidaa ayuu sheegay inuu ku joojiyay safarkii Farmaajo iyo Abiy ay ku tagi lahaayeen Hargeysa.

Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dhacdooyin kale oo xasaasi ah oo la xiriira heshiiskii badda ee Itoobiya iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Muuse Biise qiray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga adkaatay dhanka diplomaasiyadda, gaar ahaan heshiiskii badda ee ay la galeen dowladda Itoobiya, maadaama uu fuli waayey, kadib caqabado soo wajahay Hargeysa iyo Addis Ababa.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in dhankooda ay diyaar u ahaayeen dhaqangelinta heshiiska, balse uu ka fuli waayay dhanka Itoobiya, sababo la xiriira culeys ay saartay Soomaaliya oo kasoo martay dowladaha gobolka iyo ururada caalamiga ah.

“Arintaas anaga dhankeena diyaar ayay ka ahayd, laakiin Itoobiya waa ay socodsiin weyday waxaa ku kacay wadamadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururka Iskaashiga islaam-ka oo Soomaaliya taageeray” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Itoobiya xitaa wadamada Afrika waxay ugu hanjabeen in xarunta midowga Afrika laga qaadayo, Carabta oo ay Masar hor kaceysana cadaadis wayn ayay saareen, xitaa urur ka Iskaashiga Islaam-ka ayaa isku raacay in Itoobiya qaldan tahay taas ayaana qasabtay in heshiiskii dhaqan gali waayo”.

Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi ayaa xilligiisii hoggaaminta Somaliland lagu xasuustaa sida ay uga go’neyd fulinta heshiiska badda, wuxuuna mar kastaa dhaleeceyn jiray Muqdisho, balse markii dambe waxay sheekada kusoo dhammaatay in isagii meesha uu ka baxo, kadib doorashadii ka dhacday Somaliland, Itoobiyana ay heshiis la gasho Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News