27.6 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Abiy oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Xasan + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo qoraal soo saaray ayaa ka warbixiyay kulan gaar ah oo uu saaka la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka qayb-galay furitaanka biyo xireenka Nile.

Qoraal uu Abiy ku daabacay bartiisa baraha bulshada ayaa waxa uu ku sheegay in isaga iyo Xasan Sheekh ay ka wada-hadleen xaaladda gobolka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay xaqiijiyeen ka go’naashaha sidii looga shaqeyn lahaa xasiloonida amniga iyo horumarka, maadaama Soomaaliya iyo Itoobiya ay daris yihiin.

“Waxaan saaka la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mduane Xasan Sheekh Maxamuud oo aan ka wada-hadalnay danaha guud ee gobolka. Waxaan mar kale xaqiijinnay sida ay nooga go’an tahay kobcinta xasilloonida, amniga, iyo horumarka gobolka oo dhan.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Kulankan ayaa yimid maalin uun, kadib markii ay Itoobiya si rasmi ah xariga uga jartay biyo-xireenka ugu weyn Qaaradda Afrika ee koronto laga dhaliyo ee Nile, kaas oo sare usii qaaday xiisadda kala dhexeysay Masar oo ay muddo isku hayaan arrinta wabiga Nile-ka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka horreeyay mid kale oo ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo looga arrinsanayey maalgelinta Howlgalka AUSSOM.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Guba ee dalka Itoobiya ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasilinta gobolka iyadoo si gaar ah loo dul istaagay ahmiyadda taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Midowga Afrika uu la daala dhacayo culaysyo maaliyadeed tan iyo markii la bedelay howl-galka AMISOM loona beddelay AUSSOM. Dhaqaale la’aantaas ayaa si toos ah u saameysay waxqabadka ciidamada iyo kalsoonida howl-galka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda uu u leeyahay in uu la tacaalo xaaladda amni ee sii cakiran ee Soomaaliya.

Falanqeeyayaal arrimaha amniga iyo siyaasadda ah ayaa qaba in xal waara uusan ku imaan karin oo keliya joogitaanka ciidamada ajaanibta. Waxaa la is weydiinayaa sida ay suurtagal u tahay in amniga la sugo iyadoo aan jirin isfaham siyaasadeed oo gudaha ah.

- Advertisement -

Read more

Local News