28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Soomaaliya oo golaha ammaanka ka hor caddeysay sida ay uga soo horjeedo xad-gudubka…

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuubakar Cismaan Baalle ayaa si adag u dhaliilay weerarkii Israa’iil ku qaaday magaalada Dooxa ee Qatar.

Abuukar ayaa weerarka Dooxa ku sheegay mid wiiqaya ammaanka iyo madax-bannaanida dalkaas. Danjiraha oo ka hadlayay kulan deg-deg ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Qatar.

Wuxuu si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageerayso talaabo kasta oo ay qaaddo Qatar, si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo nabadgelyadeeda gudaha.

Danjiraha ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay wado qorshe istaraatiiji ah oo lagu ballaarinayo colaadaha gobolka, taas oo khatar ku ah xasilloonida Bariga Dhexe.

Sidoo kale, Abubakar Baalle wuxuu ku tilmaamay weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta wada-hadallada Xamaas ee Dooxa isku day lagu carqaladeynayo dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin ka hirgasha magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Danjiraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu xasuusiyay Golaha Ammaanka mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta nabadda iyo amniga caalamka, isagoo ugu baaqay in si deg-deg ah oo dhab ah wax looga qabto xad-gudubyada Israa’iil, lana xaqiijiyo ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo sharciga caalamiga ah.

Arbacadii, bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado horleh.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa uga tacsiyeeyay weerarka ay Israel ka geysatay magaalada Dooxa, isagoo u caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay Qatar, difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka.

Israel ayaa bartamaha Dooxa weerartay maalmo uun kaddib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub.

Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada.

- Advertisement -

Read more

Local News