Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhawraha Guud ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey in aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin lacag dhan $153.8 milyan oo doollar oo loo adeegsaday barnaamijyada bulshada ee hoos taga mashruuca Baxnaano oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka.
Warbixinta ayaa sabab uga dhigtay diiwaan-gelin la’aanta ka-faa’iideystayaasha oo ka maqan Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (U.N. World Food Programme), oo iyadu maamulaysay qaybinta lacagahaas.
Barnaamijka Baxnaano, oo ah kan ugu muhiimsan barnaamijyada lacagaha tooska ah loogu qaybiyo dadka ee Soomaaliya oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka, ayaa si gaar ah loogu asteeyey inuu yahay qodob muhiim ah oo hanti-dhawrku diiradda saaray. Barnaamijkan ayaa laf-dhabar u ah isku-xirka badbaadada bulshada ee dalka, waxaana si weyn u taageera deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Hanti-dhawrayaashu waxay sheegeen in maqnaanshaha xog la xaqiijin karo oo ka timid WFP ay shaki gelinayso kalsoonida shacabka iyo tan deeq-bixiyeyaasha.
Warbixintiisa hanti-dhawrka sanadlaha ah ee 2024, Xafiiska Hanti-dhawrka Guud (OAGS) wuxuu ra’yi shuruudaysan ka bixiyey xisaabaadka dowladda federaalka, isagoo iftiimiyey nusqaamo dhanka la-xisaabtanka ah oo ka jira laba meelood oo xasaasi ah: kharashaadka daryeelka bulshada iyo dakhliga ka soo xarooda heshiisyada la isla ogol yahay.
Warbixinta hanti-dhawrka ayaa lagu sheegay in dowladda ay soo gudbisay $32.2 milyan oo doollar oo dakhli ah, kaasoo ka soo xarooday heshiisyo lala galay dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde. Sida ku cad heshiisyadaas, dowladda waxay xaq u leedahay 62.17 boqolkiiba dakhliga dekedda ee ka soo baxa Shirkadda Mogadishu Aiport Corporation (Albayrak-Somalia) iyo 25 boqolkiiba dakhliga garoonka diyaaradaha oo ka yimaada Shirkadda Favori LLC.
Laakiin labada shirkadood midkoodna ma soo gudbin warbixinnadoodii maaliyadeed ee la hanti-dhawray sida sharcigu qabo, taasoo hanti-dhawrayaasha u diidday inay xaqiijiyaan in dowladda ay heshay qoondadeedii oo dhammaystiran.
Warbixinta ayaa sidoo kale daaha ka rogtay in lix hay’adood oo dowli ah ay sannadka dhexdiisa heleen $5 milyan oo doollar oo ah deeqo ka baxsan miisaaniyadda, halka lifaaqyada warbixinta lagu xusay $9.4 milyan oo kale oo deeqo ah.
Lacagahaas midkoodna laguma darin xisaab-xirka rasmiga ah ee maaliyadda, taasoo jebinaysa Sharciga Maareynta Maaliyadda Dadweynaha ee Soomaaliya iyo halbeegyada caalamiga ah. Intaa waxaa dheer, hanti-dhawrayaashu waxay dhaliileen sharraxaadyo aan dhammaystirnayn oo laga bixiyey farqiga weyn ee u dhexeeya kharashkii miisaaniyadda lagu qoondeeyey iyo kii dhab ahaan u baxay.
Hanti-dhawrayaashu waxay walaac dheeri ah ka muujiyeen warbixinnada is-barbardhigga miisaaniyadda iyo kharashaadka dhabta ah, iyagoo sheegay in wasaaraduhu ay ku guuldarraysteen inay bixiyaan sharraxaadyo ku saabsan kala duwanaanshaha weyn ee jira, sida ay waajibinayaan heerarka caalamiga ah. Waxaa kale oo la helay tabar-dari dhinacyada u hoggaansanaanta sharciga, kontoroolka nidaamyada IT-ga, iyo maamulka mashaariicda ay deeq-bixiyeyaashu maalgelinayaan.
Hanti-dhawraha Guud, Axmed Ciise Guutaale, ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono wada-shaqeynta wasaaradaha, hay’adaha dowladda, iyo saaxiibbada horumarinta si loo xiro nusqaamaha ka jira warbixinnada maaliyadeed.
Natiijooyinka ka soo baxay warbixintan ayaa la filayaa inay dood ka dhex abuuraan baarlamaanka iyo deeq-bixiyeyaasha, xilli ay Soomaaliya sii xoojinayso dib-u-habaynta maaliyadeed.

