30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Dowladda Albania oo wasiir AI u magacowday xil sare + Qorshaha ka dambeeya

Bookmark
Bookmarked

Share

Tirana (Caasimada Online) – Dawladda Albania ayaa qaaday talaabo taariikhi ah kadib markii ay magacowday wasiirkii ugu horreeyey ee garaadka macmalka ah (AI), kaas oo lagu magacaabo Diella, eray micnihiisu yahay Cadceed.

Diella waxaa loo qorsheeyay in ay door weyn ka qaadato la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo xatooyada hantida qaranka, iyadoo si daahfuran u maamuli doonta qandaraasyada iyo heshiisyada dowladda.

Sawir rasmi ah oo la faafiyay ayaa muujinaya Diella oo ah robot u muuqda qof bini’aadam ah, kuna labisan dharka dhaqanka Albania.

Nidaamka AI-ga ah ee wasiirkan loo bixiyay wuxuu awood u leeyahay in uu falanqeeyo xog badan, ogaado khaladaadka dhaqaale, isla markaana soo bandhigo hab-raacyo cusub oo lagu hubinayo isla-xisaabtan.

Ra’iisul Wasaaraha Albania, Edi Rama, ayaa ku tilmaamay magacaabista wasiirkan AI ah mid u ah “tallaabo cusub oo dhanka daahfurnaanta iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa,” isagoo xusay in ay muhiim tahay in farsamada casriga ahi kaalin weyn ka qaadato dhismaha dowlad hufan oo la jaanqaadaysa shuruudaha Midowga Yurub.

Albania, oo ku taalla bariga Yurub ayaa muddo dheer wajahaysay dhaliilo ku saabsan musuq-maasuq iyo maamul xumo, arrimahaas oo caqabad ku noqday qorshaha ay ku doonayso inay ku biirto Midowga Yurub.

Magacaabista Diella ayaa loo arkaa mid lagu muujinayo sida dawladda Albania ay uga go’an tahay in ay isbeddel muuqda ka hirgeliso nidaamkeeda siyaasadeed iyo midka maamul.

Si kastaba, magacaabista wasiir AI ah waxay dhalisay dood ballaaran gudaha iyo dibadda Albania. Qaar ka mid ah dadka dhaliilaya ayaa sheegay in arrintani ay tahay olole muuqaal ah oo siyaasadeed oo aan si dhab ah wax uga beddeli doonin caqabadaha dalka ka jira.

Halka taageerayaashuna ay ku doodayaan in tallaabadani tahay horumar lagu dhiirrigelinayo daahfurnaan iyo hal-abuurnimo siyaasadeed oo aan hore looga arag gobolka.

Haddii nidaamkan cusub uu guuleysto, Albania waxay noqon kartaa dalkii ugu horreeyay ee Yurub ku guulaysta ku biirinta garaadka macmalka ah heerka ugu sarreeya ee maamulka dowliga ah, taasoo tusaale u noqon karta waddamada kale ee doonaya inay la-dagaallamaan musuq-maasuqa iyo isla xisaab la’aanta.

- Advertisement -

Read more

Local News