30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Daawo: Mas’uuliyiintii ugu badnaa oo buux dhaafiyay isbitaallada Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay buux dhaafiyay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho oo la keenay askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu jabiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Xildhibaanno, xubno ka socday Ra’iisul wasaaraha iyo haween ayaa tegay isbitaalka Xoogga iyo kan Digfer oo la geeyay dhaawacyada askarta la keenay Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Mas’uuliyiinta ayaa mara hore boggaadiyay ciidamada geesiyaasha ah ee ka hortegay weerarkii Al-Shabaab, waxayna u kuur galeen xaaladdooda caafimaad.

Xildhibaan Yaasiin Fareey oo kamid ah ragga booqday isbitaallada kana soo jeeda degmada Ceeldheer ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay soo hoyeen guul wayn, wuxuuna inta dhimatay Alle uga baryay naxariistii Janno, kuwa dhaawacmaynaa wuxuu u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan rabnaa inaan ugu bishaareyno qoysaskooda iyo carruurtooda in maydadka argagixisada meel la kala geeyo la la’yahay taas ayaa guul u ah Ummadda Soomaaliyeed. Geesiyaasha Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaankana waxaan leenahay intii dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawac ahna ha u boogo dhayo” ayuu yiri Fareey.

Ceeldheer ayaa shalay cashir lama illaawaan ah loogu dhigay argagixisada, waxaana lagu laayay dagaal ka dhacay degmadaasi, kadib markii ay jilibka u dhigeen ciidamada.

Xaaladda demada ayaa maanta deggan, waxaase weli howlgal ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo halkaas ka aruurinayo maydadka Al-Shabaab.

Khasaaraha dhimashada ee kooxda Al-Shabaab ayaa gaaray illaa 60 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.

“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidanku ay fashiliyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la rabay in lagu fuliyo weerarka ay iska caabiyeen ciidanka xoogga dalka oo garab ka helay kuwa deegaanka.

“Waxaa Ilaahay fadligiis ah in la fashiliyay gaari qarax ah oo ciidanku isla markiiba inta uu goobta soo gaarin ay meeshaas ku qarxiyeen, oo wax khasaare ahna ciidankeenna kusoo gaarin,” ayuu yiri Fiqi.

Si kastaba, Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana guusha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka boggaadiyay madaxda dowladda, kuwa mucaaradka iyo shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News