31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Somalia oo ku dhawaaqday in ay martigelineyso shir caalami ah oo ka dhacaya Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaban doonto shir heer caalami ah oo ay isugu imaan doono xubno ka socda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo dhawaan ay si rasmi ah ugu biirtay Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in Soomaaliya ay marti gelin doono shirka EACON 2025) oo dhici doona todoba bisha October ee sanadkan 2025, iyada looga hadli doono arrimo muhiim ah oo ku aadan horumarinta ganacsiga.

Cal Balcad ayaa tilmaamay in haatan uu socdo abaabulka shirka, waana sanadkii labaad ee uu ka qabsoomayo caasimadda Muqdisho, iyadoo Soomaaliya ay ku leedahay kaalin wayn.

“Waxaa sharaf wayn ii ah inaan idin-ku wargeliyo qabashada la qaban doono shirka loo yaqaanno EACON 2025 oo ah sanadkii labaad oo shirkaani uu ka dhacayo Soomaaliya” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Shirka waxaa isugu imaan doono waxgarad, hay’adaha kala duwan ee cilmi baarista, ganacsiga, bangiyada iyo madax kala duwan”.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in sanadkan shirka diirada lagu saari doono wax soo saarka casriga ah, horumrinta dhaqaalaha iyo isbeddelka cimilada.

“Sanadkan oo shirka lagu qaban doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar todobadeeda, Soomaaliya waxa ay u tahay sharaf wayn in ay martigeliso. Shirku wuxuu sanadkan xoogga saari doonaa arrimaha la xiriiro wax beerista casriga ah, horumarinta cimilada iyo waxyaabaha loo yaqaano Digital Finance” ayuu yiri mar kale wasiir Cali Cumar Balca.

Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxaa ku mideysan illaa 8 dal oo Afrikaan ah, waxaana ku nool qiyaastii 330 milyan oo dad ah, iyadoo dhawaan ay ku biirtay Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ah waddanka kaliya ee sideedda waddan ee ku jira ururkan ku leh ganacsiyo iyo deganaasho, maadaama ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News