31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Guddoonka labada gole ee BF oo soo saaray go’aan xasaasi ah – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay goorta uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka oo muddo u xirnaa, sababo la xiriira culeyska siyaasadeed ee ka jira dalka.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare oo isugu yimid kulan wadatashi ah ayaa go’aamiyay in la furo Baarlamaanka maalinta sabtida ah oo ku beegan 20-ka September 2025-ka.

“Guddoonka Labada Aqal ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulamo wadatashi ah ka yeeshay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS ayaa go’aamiyay in kalfadhiga 7-aad furmo Sabti 20, September 2025” ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale waxaa farriin loo diray xildhibaannada oo loogu baaqay inay si buuxda usoo xaadiraan furitaanka, halka kuwa maqan dalka la faray inay soo xaroodaan.

“Haddaba Xildhibaannada iyo Senetarada Baarlamaana JFS waxaa lagu wargelinayaa inay soo xaroodaan”. ayaa mar kale lagi yiri warqadda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ku dhaqaaqista furitaanka Baarlamaanka ayaa ku timid kulamo ay saacadihii lasoo dhaafay yeesheen Madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal oo ka arrisaday in dib loo furo kulamadii Baarlamaanka, si horay loogu wado shaqada.

Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa galay fasax dheer, waxaana markii uu dhammaaday fasaxooda hakad sii galay shaqada, sababo ku aadan culeyska siyaasadeed ee dalka.

Kalfadhigan 7-aad ee Sabtida furmi doono ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana jira guux wayn oo ku aadan mooshin la sheegay in xildhibaannada ay ka wadaan Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo laga abaabulay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Waxaa sidoo kale jira dood kale oo ku aadan wax ka beddalka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka oo weli hortaalla Baarlamaanka, si uu go’aan uga gaaro.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana si weyn isku haya kooxda Villa Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid ah madax-goboleedyada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News