28.9 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo muhiim ah kadib dagaalkii Ceeldheer + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah, kadib dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, laguna jabiyay kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan oo ka duulayo xoojinta dagaalka lagula jiro argagixisada ayaa maanta daah-furay xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo loo dhisay qaab casri ah, si loo xoojiyo awoodda difaaca iyo sugidda amniga Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in xaruntan ay tahay astaan muujinaysa dadaallada dowladdu ku bixisay dhismaha hay’adaha difaaca, ayna wax badan ka tari doono la dagaallanka kooxaha argagixisada, maadaama la helay xarun rasmi ah oo uu ku shaqeyn doono Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in tiknoolajiyadda lagu qalabeeyay ay si weyn u caawin doonto hawlgallada ciidamada iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed ee Qaranka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaalkooda joogtada ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in horumar kasta oo la gaaro uu astaan u yahay adkeysiga shacabka iyo geesinimada ciidamadooda.

Furitaanka xaruntan kadib Madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay qaybaha kale ee Wasaaradda Difaaca, isaga oo dhageystay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan guulaha ay Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga Shacbiga ah ay ka soo hooyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidanku jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada.

Xogta lala wadaagay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahayd dagaalkii shalay oo lagu dilay illaa 60 xubnood oo Shabaab ah oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, kuwaas oo maydadkooda lagu soo bandhigay difaaca hore ee degmada Ceeldheer.

Dowladda Federaalka ayaa mar kale xoogga saartay dagaalka Khawaarijta, waxaana dib boorka looga jafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, kuwaas oo la qalabeeyay, si ay uga hortagaan kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News