Ceelbug (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta gaari ay la socdeen dad kamid ah kuwa deegaanka lagu weeraray agagaarka deegaanka Ceelbuh oo ka tirsan gobolkaasi.
Gaariga ayaa gebi ahaanba basbeelay, mana jirto cid ka badbaaday dhammaan dadkii saarnaa, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gaariga uu watay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo kamid ah waxgaradka degmada Badhan, kaas oo duqeynta lagu dilay isaga iyo nin la socday, waxayna kasoo baxeen dhanka Ceelbuh.
Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday baabuurka oo ay la socdeen Nabadoonka iyo ninka kale oo ku cusbaa deegaanka ,ayna shacabku sheegeen in aysan u lahayn wax aqoon ah.
Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay weerarkan dhanka cirka ah oo cabsi ku abuuray dadka deegaanka ee ku dhaqan Ceelbuh oo ka tirsan gobolka Sanaaga ee waqooyiga Soomaaliya.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaankan lagu arkayay diyaarado dul heehaabaya, waxaana maanta ku xigtay duqeyn toos ah oo ka dhacday halkaasi.
Dhanka kale, illaa iyo hadda kama hadlin maamullada Puntland iyo Waqooyi Bari oo isku haysto aaga ay duqeynta ka dhacday, halkaas oo ay horay dagaallo uga dhaceen.
Ceelbuh ayaa waxaa dhaq-dhaqaaq culus laga dareemay markii la dhisayay maamuka cusub ee Waqyooyi Bari, halkaas oo uu mar tagay madaxweyne ku xigeenka maamulka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) oo dhawaan isaga baxay maamulka Puntland.
Waxaa kale oo jirtay in halkaas ay ku dagaalameen ciidamo tabacsanaa maamulkii Maakhir ee ku biiray Waqooyi Bari Soomaaliya iyo ciidamo kale oo Puntland ay gaysay hakaasi, inkastoo markii dambe ay si buuxda deegaanka ula wareegeen daraawiishta Puntland.
Xaaladda deegaanka ah ayaa hadda ah mid deggan, waxaana soconayo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeellada gaartay ee maanta lagu duqeeyay halkaasi.

