31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Daawo: Xamza oo si yaab leh uga hadlay dhul boobka la sheegay inuu ka socdo Xamar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dhul boob uusan ka socon magaalada Muqdisho xilli ay isgaadhay qeylo dhaanta shacabka.

Xamza ayaa ku dooday in dhulka ay dowladda bixisay loo maray hab sharci ah, isagoo sheegay in dowladihii hore ay iibin jireen dhulalka dowladda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhul uu leeyahay muwaadin aan si sharci ah loogu xad-gudbi karin, haddii ay taasi dhacdana uu qofka xuquuqdiisa ku raadsan karo maxkamadaha awoodda u leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas kusii daray in cid kasta oo ku kacda xad-gudub ay sharciga mari doonto, si adagna loola xisaabtami doono, haddii sheegashada la xaqiijiyo.

“Dadka cabanaya haddii ay hayaan caddeymo sax ah oo loo mari doono hannaan sharci ah, dadka ku lug lehna waxay wajihi doonaan sharciga iyagoo mas’uuliyadda qaadaya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mar la waydiiyay sababta warbaahinta dowladda loogu baahin waayay dhulka la bixiyay, ayuu ku jawaabay: “Dhulka oo dhan Dowladda ayaa dadka Soomaaliyeed siin jirtay, ma xayaysiin jirtay? Dhulka qofka sharciga ku lehna laguma xadgudbi karo, haddii ay dhacdana waxaa jira meelo lagu dacwoodo.”

Waxa uu intaas kusii daray: “Dadkii laga qaaday xaggee ku maqan yihiin? Maxkamad ma u tageen? Haddii ay maxkamadaha geeyeen, arrintaas xal ayaa loo helayaa.”

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka taagnaa dood ka dhalatay barakicinta dadka deggan dhulalka danta-guud, iyadoo inta badan ay la wareegtay dowladda dhexe. Mucaaradka ayaa walaac xooggan ka muujiyay hanaanka dowladda u mareyso iibinta dhulka danta-guud, taas oo dadka qaar ku tilmaameen “dhul boob”.

- Advertisement -

Read more

Local News