31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Daawo: Xamza oo shaaciyay sabab uu xilka uga tegi karo xilli uu wajahayo mucaarado

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shaaciyay in sababta keliya ee xilka uga tegi karo ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay kalsoonida kala laabtaan.

Xamza ayaa sheegay inuu ra’iisul wasaare u yahay umadda Soomaaliyeed oo dhan, isla markaana uusan isku casili doonin in deegaanada uu metelo ay kasoo horjeedaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii beelo meesha ku fadhino, inta kale meelahaas ha aadaan miyaa? Aniga ma beel ayaa i keentay oo i magacowday? Hal qof oo beeshayda ah intuu Madaxweynaha u tegay ma dhihin ‘ninkaan ra’iisul wasaare ka dhig,’ laakiin Soomaali u tagtay way jiraan.”

Waxa uu intaas kusii daray: “In la yiraahdo madaxweynuhu beel ayuu kursiga ugu fadhiyaa, ra’iisul wasaaruhu beel ayuu ugu fadhiyaa iyo madaxda kaleba beelo ayay kursiga ugu fadhiyaan, waa cay la caynayo madaxda qaranka. Waxay ka fog tahay mas’uuliyadda aan hayno iyo dhaqankayaga.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa meesha ka saaray in cadaadis uga yimaada deegaannada uu kasoo jeedo oo haatan siyaasad ahaan is hayaan, uusan uga tegi doonin xilka, xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan oo uga imanaysa maamullada Jubbaland iyo Puntland.

“Anigu waxaan ra’iisul wasaare u ahay qof kasta oo Soomaali ah oo dunidaan jooga, oo ay ku jirto beeshaydu. Haddii aan waayo kalsoonida umadda Soomaaliyeed, beeshayda ma aha. Waa sax in aan xilka ka tago, laakiin haddii aysan umadda Soomaaliyeed kalsoonidooda haysto maxaan xilka uga tegi? Ma u shaqeeyo,” ayuu si cad u sheegay ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha, oo shalay ka qeyb galay madal ay dadweynaha ku weydiinayeen su’aallo, ayaa sheegay in aysan qorshaha ugu jirin inuu isku soo taago xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada 2026, sida hore u dhacday doorashooyinkii hore ee soo maray dalka.

Inkastoo Xamza uu muujiyay in go’aankiisu isbeddeli karo haddii madaxweynaha haatan talada haya uu ka tanaasulo, in mar kale uu isku soo taago xilka madaxweyne.

Si kastaba, Xamza Cabdi Barre ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taas oo sabab u ah kalsoonida uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qabo ra’iisul wasaarihiisa.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News