29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sawirro: Xamza oo soo arkay fadeexo culus oo ka taagan garoonka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xuukumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdii Bare ayaa maanta booqasho ku tegay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo ka jawaabay cabasho shacab oo kasoo yeertay garoonka.

Meelaha laga soo cawday ayaa waxaa kamid ah musqulaha garoonka oo la sheegay in dayac badan uu ka jiro, sida uu baahiyay Wariye Cabdulqaadir Ok oo ka hadlay xaaladda garoonka Muqdisho, waxaa sidoo kale jirtay in kulankii dadweynaha ee xalay Ra’iisul wasaaraha loo gudbiyay cabashooyin la xiiira garoonka iyo su’aallo ku aadan adeegga E-Visa ee dhowaan la soo kordhiyey.

“Waa musiibo iyo ayaan-daro weyn in garoonka Aadan Cadde halka farxalka ee musqulaha gacanta lagu mayrto ay saakay ay xittaa awoodi waayeen in lagu rakibo shaambo gacmaha lagu dhaqdo taas bedelkeedna ay soo dhigeen Oomo. Tani waa in aysan jirin isla xisaabtan dhab ah oo la xariirta garoonka qaybtiisa maamulka” ayuu yiri Wariye Cabdulqaadir Ok.

Ujeedka kormeerka Ra’iisul wasaaraha ayaa ahaa mid ay xukuumaddiisa ay uga jawaabeyso dareenka shacabka oo muddooyinkan ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Aadan Cadde, si wax looga qabto adeeg xumo iyo nadaafad darro baahsan ka jirta gudaha garoonka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo indha indheeyay qaybaha kala duwan ee dhismaha garoonka, wuxuuna la kulmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha howsha waday oo uu kala hadlay fadeexadda taagan, isaga oo amray inay wax ka beddalaan adeegga ay u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xamza ayaa sidoo kale faray in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegyada garoonka ee muhiimka u ah bulshada.

”Intaan ka dib looma dul-qaadan karo waxa ka jira garoonka Aadan Cadde, Waxaan ku imid anniga dareen shacab oo cabasho ah, wixii ay sheegayeen iyo wax ka sii liita ayaan ku arkey” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku soo laaban doono garoonka muddo laba toddobaad gudahood ah, isla markaana uu tallaabo ka qaadi doono, haddii aan isbeddel degdeg ah lagu sameyn adeegyada muhiimka ah sida mashiinnada.

 

- Advertisement -

Read more

Local News