28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

DF oo saraakiil iyo ciidamo u dirtay furinta kadib dagaalkii Ceeldheer

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saraakiil sar-sare iyo ciidamo dheeraad ah u dirtay gobolka Galgaduud, kadib dagaalkii lagu jabiyay Al-Shabaab ee dhawaan ka dhacay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

Saraakiisha tegtay furimaha hore waxaa hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Jeneral Sahal Cadbullahi Cumar (Khaalid) oo uu wehlinayo taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Tuuryare, kuwaas oo booqday ciidamada dowladda ee ku sugan jiidda hore, gaar ahaan aagga magaalada Masagaawa ee Galgaduud.

Khaalid oo watay ciidamo badan iyo gaadiid dagaal ayaa ka khudbeeyay Masagawaa, wuxuuna marka hore boggaadiyay geesiyeyaasha ciidanka Xoogga dalka ee cashirka u dhigay Khawaarijta, isaga oo sheegay inuu faraxsan yahay guusha wayn ee ay gaareen.

“Waxaan aad iyo aad ug faraxsanahay inaan maanta la joogo ciidankeyga sharafta leh oo runtii shaqo aad iyo aad u badan deegaankan ay joogaan ka haya, cadowgana wacdaro badan u dhigay, haddii ay noqoto Masagaawa iyo haddii ay noqoto Ceeldheer” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Inaan idin arko ayaan u imid xaaladdiina ogaado idin-ku guubaabiyo wanaagga aad sameyseen iyo shaqada aad qabateena aan idin-kaaga mahad-celiyo”.

Ujeedka booqashada taliyaha iyo saraakiisha ee la socota ayaa ah in sare loo qaado gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago inay mar kale soo abaabulaan weeraro kale.

Kormeerkan ayaa sidoo kale yimid maalmo uun, kadib markii ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay guul wayn kasoo hoyeen dagaal ay Al-Shaaab kula galeen degmada Ceeldheer, halkaas oo lagu qarxiyay gaadiid qaraxyo siday, kadibna la jabiyay Khawaarijta.

Khasaaraha dhimashada ee kooxda Al-Shabaab ayaa gaaray illaa 70 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.

“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

- Advertisement -

Read more

Local News