28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Muxuu madaxweyne Xasan ka yiri xiriirka Soomaaliya ee dalalka Masar iyo Itoobiya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Warbaahinta Alcarabiya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka Itoobiya iyo Masar oo haatan isku haya biyo xireenka wabiga Nile.

Ugu horreyn Madaxweyne Xasan ayaa si qoto dheer uga hadlay mashruuca wayn ee biyo xireenka wabiga Nile iyo saameynta uu ku yeelan karo dalalka uu maro, isaga oo xusay in Soomaaliya ay mar kasta ilaalineyso dheelitirka xiriirka ay la leedahay wadamada gobolka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay xiriirka Muqdisho iyo Addisba, wuxuuna carabka ku dhuftay in aanu saameyn doonin iskaashiga kale ee Soomaaliya kala dhexeeya Masar.

“Xiiriirka aan la leenahay Itoobiya kama hor imaanayo iskaashiga istaraatiijiga ah ee aan la leenahay Masar waxaan taageersanahay wada-hadallada la xiriira arrinta biyo xireenka” ayuu wareysiga ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Masar ay Soomaaliya ka caawiso tababaridda ciidamada iyo bixinta saadka, taas ayuu ku tilmaamay in ay tahay calaamad muujineysa xiriir dhow oo aan ku xirneen khilaafka ka taagan biyo xireenka wabiga ee uu dhawaan ka qayb-galay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay uga sii xeeladeystay carada Masar, wuxuuna lasii wadaagay qorshihiisa, gaar ahaan ka qayb-galka xafladda daah-furka biyo-xireenka GERD oo dhowaan qabsoontay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Masar u sheegtay in ay weli u hayso ixtiraam, uuna iskaashigooda sii socon doono, kaas oo sii xoogeystay markii Itoobiya ay soo damaaacisay badda, markaas oo ay Qaahira garab istaag buuxa u muujisay Muqdisho.

Sidoo kale, inta ay socotay munaasabadda furitaanka biyo-xireenka wabiga Nile oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Kenya iyo South Sudan ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu goobta ka sheegay in loo baahan yahay in la helo hab cadaalad iyo is ixtiraam ku dhisan maadaama kheyraadka biyaha dalalka qaarna uu u yahay badbaado, kuwa kalena uu tamar iyo horumar u yahay.

Si kastaba, Marka la eego duruufaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee xiligan iyo danaha diblomaasiyadeedba ma sahlaneyn in Madaxweyne Xasan Sheekh diido casuumaada Itoobiya, maadaama maamulkiisu uu doonayo inuu u muujiyo saaxiibtinimo iyo kalsooni.

- Advertisement -

Read more

Local News