27.7 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Xiisadda Ilhaan Cumar iyo Nancy Mace oo ka dartay iyo hadallo kulul oo la is-dhaafsaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa Arbacadii si kulul uga jawaabtay soo jeedintii Xildhibaanad Nancy Mace ee ahayd “waxaa laga yaabaa in Soomaaliya ay dib kuu qaadato,” iyadoo ku tilmaantay xildhibaanadda reer South Carolina mid aan “caafimaad qabin ama caqli badanayn.”

Is-weydaarsigan hadallada kulul ayaa yimid xilli ay Mace u ololaynayso qaraar ay ku doonayso in lagu canaanto Ilhaan, lagana xayuubiyo xubinnimada guddiyada ay ka tirsan tahay, kaddib markii ay Mace ku eedeysay xildhibaanadda Dimoqraadiga ah ee Minnesota inay “sumcad-dishay Charlie Kirk ayna si dadban u sheegtay inuu isagu sabab u ahaa dilkiisa” mar ay waraysi siinaysay Mehdi Hasan iyo iyadoo dib u faafisay muuqaal ku eedeynayay hadalladii Kirk inay sabab u ahaayeen shirqoolka dilkiisa.

Sidoo kale, Mace waxay iftiimisay qoraal ay Omar soo dhigtay sannadkii 2022-kii oo ay ku sheegtay in Qodobka Koowaad ee Dastuurka uusan dadka ka difaacin cawaaqibka ka dhalan kara hadalkooda, sida in la ceebeeyo ama la takooro.

“Haddii aad u dabbaaldegayso dil, waxaa laga yaabaa in Soomaaliya ay dib kuu qaadato,” ayay Mace ku qortay farriin ay soo dhigtay boggeeda ololaha ee baraha bulshada ee X.

Ilhaan, oo carruurnimo ku timid Mareykanka kaddib markii qoyskeedu ay qaxooti ahaan uga soo carareen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, ayaa iyaduna kaga jawaabtay qoraal kale.

“Waan ogahay inaadan caafimaad qabin ama caqli lahayn, laakiin waxaan rajeynayaa in qof kuu sharxo inuusan jirin xiriir ka dhexeeya xubinnimadayda guddiyada iyo masaafurinta,” ayay tiri Ilhaan. “Si kastaba ha ahaatee waxa aad ka yeeshaan guddiyadaan, xafiiskaygu wuxuu sii ahaan doonaa mid agtaada ah, aniguna waxaan sii ahaan doonaa xubin ka tirsan Congress-ka.”

Mace ayaa ku celisay baaqeeda. “Tikit hal-dhinac ah oo Soomaaliya aada oo magacaagu ku qoran yahay, Ilhaan Cumar,” ayay Mace ku qortay barta X.

Ilhaan ayaa markii dambe raacisay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan arko adigoo helaya caawimaadda aad u baahan tahay. Waxaad ku habboon tahay xarun dhaqan-celin, ee kuma habboonid Congress-ka.”

Mace ayaa markaa sii kicisay baaqeeda ah in Ilhaan dalka laga saaro, iyadoo tiri: “Ilhaan Cumar waa in laga xayuubiyaa kursigeeda iyo dhalashadeeda.”

Ilhaan ayaa waraysiga ay siisay Hasan ku tilmaantay dilka Kirk mid “argagax leh,” iyadoo sheegtay in Kirk uu difaaci jiray xuquuqda hubka lagu qaato uuna “diyaar u ahaa inuu ka doodo oo uu fududeysto dhimashadii George Floyd.” Waxay sheegtay inay tahay wax “aad u qaldan” in ay jiraan dad “ka hadlaya inuu kaliya doonayay inuu yeesho dood ilbaxnimo ah.”

Xildhibaanadda Minnesota ayaa xustay in midna hadalladii lagu soo qaatay qaraarka canaananta ee Mace uusan ahayn erayadeeda, waxayna Omar ku eedeysay Mace inay qaraarka u riixayso si ay dhaqaale ugu ururiso ololaheeda doorashada guddoomiyaha gobolka.

Qaraarka canaananta ee Mace ayaa la filayaa in tallaabo looga qaado fadhiga Golaha Wakiillada ugu dambayn Arbacada, kaddib markii Mace ay ku qasabtay in cod loo qaado arrinta.

Xildhibaanadda South Carolina ma ahan Jamhuurigii keliya ee sheegay in Ilhaan aysan ahayn inay joogto Mareykanka.

“Ilhaan Cumar (Dimoqraadiga-Soomaaliya) weligeed ma ahayn in dalkeenna la keeno,” ayuu Xildhibaan Randy Fine oo ah Jamhuuril aga soo doorto Florida ku soo qoray isagoo ka jawaabaya muuqaalkii waraysiga Omar ee Hasan.

- Advertisement -

Read more

Local News