Muqdisho (Caasimada Online) – Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran ayaa ka hadlay arrimo ku aadan hirgalinta Barnaamijka E-visa oo maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal hayay.
Madaxweynaha ayaa xusay in dalka u socdo Dijital, isla markaana tallaabooyinkooda ay la jaanqadayaan kuwa casriga ah, ayna ka go’an tahay hormarinta adeegyada dowladda.
Sidoo kale wuxuu sii adkeeyay go’aanka ku aadan qaadashada e-Visa, isaga oo carrabka ku ku dhuftay in qofka Soomaaliga ah ee haysta baasaboorka dal kale iyo kan ajnabiga ah laga rabo inay Viso kusoo galaan dalka, una hoggaansamaan amarka soo baxay.
“Baasaboorka Soomaaliga adiga oo Fiiso heysan dal kale kuma gali kartid, sidaasi si lamid ah ayaa qof Ajanabi ah ama dhalasho ahaan Soomaali ah u imaan karin gudaha dalkeena isagoo aan wadan Fiiso” ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Laguuguma haysto inaa haysato baasaboor ajanbi ah, dambina ma aha laakiin dalkan marka aad imaaneysid Soomaali noqo”.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in la hormariyay adeegga garoonka Muqdisho, isla markaana la keenay system la la jaanqaadaayo kuwa caalamka.
“Dowladda Soomaaliya waxay maanta ku guuleysatay systemes-ka caalamiga ah inay ka qayb gasho oo dal baasaboor faalso ah laga qaatay ama baasabooro laga dhacay system uu galiy ayaa jiro oo maanta garoonka Muqdisho hadda kasoo dagto la geliyo baasaboorkaaga la arkaayo haddii lasoo xaday ama faalso uu yahay’ ayuu mar kale yiri.
Nidaamkan cusub ee ay soo rogta DFS oo hanaanka fiisaha ka dhigay hab online ah (e-Visa) ayaa dhaliyay fal-celin xooggan, waxaana ka horyimid Somaliland iyo Puntland.

