28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xamza oo arrimo cusub ka shaaciyay hanaanka looga guurayo nidaamka 4.5

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan qorshaha xukuumaddiisaee qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay haatan ku howlan tahay dowladda.

Ugu horreyn Xamza ayaa bogaadiyay nidaamka cusub ee loo guuray, gaar ahaan xisbiyada badan, si  fursad loo siiyo shacabka, loogana guuro nidaamka 4.5 ee wax lagu qaybsado.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in nidaamka cusub ee loo guurayo uu dalka u horseedi doono cadaalad iyo horumar waara oo ay ku tallaabsato dowladda Soomaaliyeed.

“Waxaan boorrinayaa in siyaasadda Soomaaliya lagu saleeyo aragti cad, hadaf qaran iyo qorshe mideeya bulshada, si looga gudbo qabyaaladda iyo siyaasadda ku dhisan qabiilka oo caqabad weyn ku noqotay dowladnimada Soomaaliyeed, Waa in aan u gudubnaa siyaasad ku dhisan sinaan, caddaalad iyo wadajir, taas oo horseedi doonta horumar waara iyo dowlad xooggan” ayuu yiri Xamza Cabdi Bare.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay qorshayaasha dowladda ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo sheegay in ay tahay horumar wayn oo la gaaray. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in xukuumadda DanQaran ay ku dadaali doonto hirgelinta qorshahan, si talada ay wax ugu yeeshaan shacabka Soomaaliyeed.

“Hirgalinta nidaamka xisbiyada badan ee dalkeennu aaday waa astaan muujinaysa biseyl siyaasadeed iyo in bulshada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan dhismaha dowladnimada casriga ah” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa Ra’iisul wasaaraha waxa uu ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweynayay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay ku biiray xisbiga Xasan Sheekh ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Muungaab oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay ku biirista xisbiga JSP, wuxuuna sheegay in xisbiyo la furto ay xoojineyso himilada shacabka ee ku aaddan dhismaha nidaam dimuqraadi ah.

“Waxa aan u mahadcelinayaa dhammaan Madaxda Qaranka, Madaxda iyo Xubnaha Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP, iyo marti-sharaftii qiimaha lahayd ee ka soo qaybgashay munaasabaddii  caawa la iigu soo dhaweeyey  Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP). Soo dhoweyntiinna waxa ay ahayd mid aan ku garwaaqsaday kalsooni iyo dhiirrigelin, taas oo xoojinaysa himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha nidaam dimuqraadi ah oo ku saleysan tartan xisbiyo iyo cod shacab” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu  mahadceliyay madaxweynaha “”Waxa aan rabaa in aan si gaar ah ugu mahadceliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ii oggolaaday in aan mar kale dalkeyga iyo dadkeyga ugu adeego hoggaamin aragti ku dhisan” .

- Advertisement -

Read more

Local News