28.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Dagaal culus oo maanta ka dhacay Raaskambooni

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamul-goboleedka Jubbaland.

Dagaalka ayaa ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba garab oo ka wada tirsan Daraawiishta Jubbaland, waxaana ka dhashay khasaare leh dhimsho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo aanooyin qabiil iyo muran dhul oo ka taagan halkaas oo ay ciidamadu isku qabteen.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhintay dagaalkan, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ka kala tirsan labada dhinac ee ku wada dagaalamay halkaasi.

Xaaladda deegaanka ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan ciidamada Jubbaland oo ku wada dagaalamay magaalada.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Jubbaland oo ku aadan dagaalkan ka dhex qarxay ciidamadeeda ee sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, intaba.

Deegaanka Raaskambooni ayaa horay u martigeliyay dagaallo hex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, kaas oo sababay khasaare xooggan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay firxad ku galaan gudaha dalka Kenya.

Jubbaland ayaa haatan waxaa ka jira xiisado xooggan, waxaana ugu daran midda gobolka Gedo oo mar kale soo rogaal celisay, waxaana saaka dagaal u dhexeeyay ciidanka Jubaland iyo kuwa Xoogga dalka uu ka dhacay gudaha degmada Garbaharey ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalkaas ayaa si gaar ah u dhex-maray ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada iyo kuwa kale oo taabacsan wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga Jubbaland oo dhinac ka dagan magaaladaasi, iyada oo uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaana dhaawacyo kale ay soo kala gaareen askar kale oo labada dhinac ah.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan ay socdaan wada-hadallo u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo, sida uu xaqiijiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in xal waara lagu gaaro kahor doorashooyinka Soomaaliya ee 2026.

- Advertisement -

Read more

Local News