Muqdisho (Caasimada Online) โ Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta u diyaar garowga heshiisyo xasaasi ah oo ay la saxiixanayso dalka Qatar.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa maanta ka dhacay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar, kaasi oo uu guddoomiyey raโiisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- Iskaashiga Difaaca
- Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
- Waxbarashada Sare iyo Dhaqanka
- Warbaahinta
- Maaliyadda (Cashuuraha iyo Kastamka)
Raโiisul wasaare ku-xigeenka oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yihiin dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.
Saxiixa heshiisyadan ayaa imanaya xilli ay dowladda Qatar xaqiijisay garab istaagga ay u hayso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la xiriira xasilinta amniga, tababarka iyo tayaynta ciidamada iyo xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo Wasiirka Difaaca uu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu sii kordhiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa daba-yaaqadii bishii August ee sanadkaan meel-mariyay heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar.
Si kastaba, heshiisyada ay dhawaan Soomaaliya la saxiixanayso Qatar ayaa qeyb ka noqonaya heshiisyo tiro badan oo dowladda ay la gaartay dalalka saaxiibka la ah, iyadoo horay sidaan oo kale ay heshiisyo difaac ula soo gashay waddamada Turkiga, Masar iyo dowlado kale oo muhiim ah.
Horraantii sanadkii hore, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi difaac, xilligaas oo Ankara ay ka dhacday xaflad rasmi ah oo ay ka qeyb-galeen wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Yasar Guler iyo wasiirka difaaca Soomaaliya ee xilligaas Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Heshiiskaas ayaa dhigayay iskaashi dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, kaalmo dhaqaale oo milatari, iyo tababaro wadajir ah oo la siinayo ciidamada labada dal, taasoo muujinaysa sida labada dhinac ugu heelan yihiin nabadgelyada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.
Tan iyo 2021, Turkiga waxa uu tababar siiyay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, wuxuuna dalka ka dhistay saldhig milatari, iyadoo Ankaray ay ku dhawaaqday qorshe ay markabyo dagaal ku geynayo biyaha Soomaaliya si ay u sugaan badqabka markab sahminaya shidaal oo uu leeyahay Turkiga.
Turkiga ayaa sidoo kale hub iyo qalab ciidan u iibiyay Soomaaliya, waxaana uu hadda ka fiirsanayaa inuu si rasmi ah ciidan joogto ah ugu howlgeliyo gudaha dalka. Intaas waxaa dheer, Turkiga waxa uu Soomaaliya siiyay gaadiidka gaashaaman ee Kirpi, baabuurta xamuulka, iyo qalab kale oo milatari, si loo xoojiyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.
Arrintan ayaa sidoo kale qeyb ka ah istaraatijiyaddiisa uu ku doonayo in uu saameyn ballaaran ku yeesho gobolka, oo horey ay ugu tartamayeen Mareykanka iyo Shiinaha.
Sidoo kale, heshiiska difaac ee Masar ayaa kamid ah kuwa ugu waaweyn ee dowladda Xasan Sheekh ay saxiixday dhanka amniga, iyadoo labada dal ay iskaashigooda sii xoojiyeen heshiiskii gardarrada ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaasi oo ay ku dooneyso Addis Ababa inay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya.
Kadib heshiiskaas, Masar ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay saanad ciidan iyo hub culus, iyadoo dhawaan ciidamo usoo diraysa gudaha dalka. Sidoo kale waxay Qaahira door weyn ka qaadaneysa tayeynta ciidamada Soomaaliya oo hub iyo qalab ay siineyso.
Isku soo wada duubo, arrimahaan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, isla markaana uu qeybo ka mid ah dalka ka socdo dagaal culus oo ka dhanka ah kooxaha argagixisada.