New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, khilaafyada kala dhaxeeya mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.
Madaxweynaha, oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo heshiiskii ay dhawaan dowladdiisu la gashay qeyb ka mid ah Madasha Samatabixinta, ayaa sheegay in ay rabaan dimuqraadiyad in ay ka hirgeliso dalka, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay xor u noqdaan afkaartooda iyo mawaaqiftooda siyaasadeed.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in sanadkii 2023 ay isugu yeereen shirkii ugu horreeyay oo ay isugu keeneen siyaasiyiin hore iyo kuwa xilka haya, isagoo yiri: โShirkaasi waxa aan uga hadalnay jihada aan rabno in dalka loo dhaqaajiyo, annaga oo sameynay la-tashiyo ballaaran, isla markaana madaxda kala tashanay.โ
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in ay la kulmeen culimada iyo bulshada rayidka ah, kuna wargeliyeen jihada uu waddanku u socdo.
โWaxa aan maalintaas u sheegnay in dastuurka dib loo eegayo oo la dhameystirayo, dalkana doorasho qof iyo cod ah la gaarsiinayo, iyadoo laga baxay doorashadii dadbaneyd,โ ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa qiray in farsamo ahaan howshaasi waqti badan soo jiidatay, balse duruufo farsamo darteed โhadda ay qabsoontay.โ
Isagoo ka hadlayey qaabka Dastuurka dib-u-eegis loogu sameynayo, waxa uu sheegay in Dastuurka qudhiisa lagu qeexay habka dib-u-eegista: โAnnagu waxa aan aaminsanahay in aan si adag u raacnay sida Dastuurka dib-u-eegis loogu sameeyo.โ
Waxa uu intaas ku daray in ay sameeyeen guddigii madaxa-bannaan iyo qawaaniintii ay ku shaqeynayeen. โDadkii ayaa loo soo xulay, baarlamaankana hortiis ayaa loo geeyay, qof qofna waa loogu codeeyay oo kalsoonidii waa la siiyay, kadibna shaqadii ayay bilaabeen,โ ayuu yiri madaxweynaha.
Yaa xaq u leh in ay ka wada hadlaan arrimaha siyaasadda dalka?
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dastuurka lagu qeexay in arrimaha siyaasadda ay ka wada hadlaan dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe, wixii ay ku heshiiyaanna loo gudbinayo baarlamaanka.
Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkaas oo dhan dastuurku ogol yahay, balse afkaartii hore ee lagu heshiiyay wax badan laga beddelay.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in qodobadii baarlamaanku ansixiyay ay qaar ka mid ah siyaasiyiintu ka muujiyeen raโyi ka duwan, hase yeeshee ugu dambeyntii ay aqbaleen in dib wada-hadal loo furo.
โDastuurku Kitaab Qurโaan ah ma aha,โ ayuu yiri Xasan Sheekh, isaga oo intaas ku daray: โWaxa aan u bandhignay qodobadii aan diyaarinay iyo mowqifka dowladda, waxaana ku niri maxaa aad qabtaan?โ
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in markii dood badan la galay ay mucaaradku soo jeediyeen in qodobada qaar wax laga beddelo, qaarna la aqbalay, halka wixii kale lagu balamay in laga wada hadlo.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in mucaaradkii qaarkood ay ku doodeen in aan guddiyo farsamo la sameyn, si looga dooddo wixii la isku raaci karo, โwixii aan la isku raacinna ha lagu celiyo fadhiga weyn oo annaga ayaa ka shireynna.โ
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ay ugu dambeyn ku adkeysteen in Dastuurkii 2012 โsidii uu ahaa loo dhaafo.โ
Madaxweynuhu waxa uu ku dooday: โTaasi micnaheedu waa yaan dib-u-eegis la sameynin. Aniga iyo rag badan oo mucaarad ah oo xilligaas banaanka joogay waxa aan ku balan-qaadnay haddii aan la i doorto Dastuurkaan waan dhameystirayaa, sidoo kale haddii aan la i doorto dalka doorasho qof iyo cod ah ayaan gaarsiinayaa.โ
Dadka kasoo horjeeda wax ka beddelka Dastuurka, sida mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, ayaa ku doodaya in aan loo marin habkii saxda ahaa. Laakiin madaxweynuhu waxa uu ku adkeystay in iyagu ay aaminsan yihiin in 100% loo maray habkii saxda ahaa.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in sheegashada โhabkii saxda ahaa looma marinโ ay tahay erey aan caddayn, balse diyaar ay u yihiin in laga dooddo qodob qodob, lana yiraahdo โkan sax ma aha, sidaan ayaa sax ah.โ Waxa uu intaas ku daray in diidmo kaliya aanay faaโiido lahayn: โWaxa aan rabnaa in raโyi nala soo hor dhigo.โ
Isagoo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh waxa uu sheegay in ay soo bandhigeen saddex qodob, saddexdana la aqbalay, welina albaabka wada-hadalku uu furan yahay.
Markii wax laga weydiiyay guddiga doorashada iyo waqtiga doorashada, waxa uu ku jawaabay in Dastuurka lagu caddeeyay habka guddiga doorashada loo sameeyo, isla markaana aanay suurta-gal ahayn in qof siyaasiga ahi uu yeesho awood diidmo (veto power).
Madaxweynaha ayaa sheegay in guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka uu yahay kan goโaamin kara jadwalka doorashada, haddii waqtigu yaraadana ay iyaga xaq u leeyihiin in ay codsadaan kordhin. โDowladdu awood uma laha in ay jadwalka doorashada samayso,โ ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha waxa uu carrabka ku adkeeyay inuusan dooneyn muddo kororsi, balse uu diyaar u yahay waxa uu sharcigu ogol yahay.
Isagoo ka hadlayey khilaafka ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland ayuu sheegay: โSoomaali mar walba xiriirkeedu kama goโo boqolkiiba boqol. Wuu daahi karaa, heerkii la rabayna gaari waayi karaa, laakiin xiriir had iyo jeer waa jiraa. Dalkaana waa hal dal, dowladduna waa hal dowlad. Kala duwanaanshahana waa in la aqbalaa. Waxaan rajeynayaa in mar dhaw natiijo la gaaro.โ
Isha: BBC