29.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Daawo: Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DF iyo mucaaradka kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iska hor imaad kooban ayaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii hoggaamiyayaal ka tirsan mucaaradka ay tageen saldhigga Warta Nabadda.

Xubno ka tirsan Madaasha Samatabixinta oo kamid yihiin Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tegay saldhiga, xilli uu halkaasi warbaahinta kula hadlayay Taliyaha Booliska ee Gobolka Banaadir, kadib markii saldhiga lagu soo bandhigay askartii saaka jirdilka ka geystay xaafadda Siinaay.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo si weyn uga xumaaday falkii ay maanta ku kaceen booliska ayaan la ogeyn sababta ay halkaasi u tageen. Waxaana markii ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga uu isku dhac kooban uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la socday mucaaradka.

Rasaas iyo hub xooggan ayay dhinacyadu isku rideen, ayadoo la soo sheegayo in rasaasta qaar ay u gudubtay dhanka qolalka xabsiga ee ay ku jiraan maxaabiista ku xiran saldhiga Warta Nabadda.

Tan ayaa imanaysa xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, ayna geesta kale sii xarko goosaneyso barakicinta shacabka degan dhulka danta guud, oo la sheegay in sifo sharci darro ah lagu iibsanayo.

Kadib carrada ka dhalatay falkii foosha xumaa ee askar ka tirsan ciidan booliska ay saaka kula kaceen shacabka xaafadda Siinaay, booliska ayaa soo qabtay qeybo kamid ah askartii ka dambeysay falkaasi.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Aabe waayeel ah iyo hooyo ay si xun u garaacayaan ciidamada, iyaga oo ula dhaqmay si naxariis la’aan ah. Raggan ayaa dhan illaa shan xubnood, kuwaas oo ka kala tirsan ciidanka booliska iyo kuwa hay’adda nabad-sugidda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano dharcadka.

Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag uga horyimid falkaan weerar baahalnimo ah ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay suuqa Siinaay, kaasi oo loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News