26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Fiqi oo dalbaday in la maxkamadeeyo mucaaradka kadib dagaalkii maanta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay iska hor imaadkii maanta ka dhacay saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in la maxkamadeeyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in siyaasiyiinta mucaaradka ay weeraraan saldhiga booliska, isagoo sheegay inay burburiyeen gaadiidkii ciidanka, isla markaana dil iyo dhaawacna u geysteen ciidamada dowladda.

“Waa in maxkamad loo soo saaraa Kooxaha mukharibiinta ah ee sida kooxaha argagixisada u beegsanaya ciidamada qaranka, hay’adaha cadaaladuna ay waajibkooda ka gutaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay tageen saldhiga, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo mucaaradka uu sheegay in khasaare xooggan loo geystay, isla markaana halis la geliyay naftooda.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayey dowladdu ku cambaareysay tallaabada mucaaradka, oo ay ku tilmaameen mid ay ku rabeen inay xoog kula wareegaan saldhiga booliska ee degmada Warta Nabadda.

Sidoo kale waxay sheegtay inay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan ciidamada qalabka sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Taliska ciidanka booliska ayaa dhankiisa sheegay in ciidanka mucaaradka ay jabiyeen xeerkii xakameynta hubka ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in isku dhaca uu yimid kadib markii ciidamada mucaaradka oo watay hub culus, isla markaana aan soo wargelin taliska ay isku dayeen inay xoog uga gudbaan irida saldhiga, oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa dhankooda sheegay inay saldhiga u tageen si ay usoo damiintaan dad shacab ah oo ciidanku dhibaateeyeen, una xireen arrimaha dhulka danta guud, hase yeeshe markii ay halkaas tageen loogu jawaabay rasaas.

Tan ayaa uga sii dareysa xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka, xilli ay billooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Read more

Local News