Aabaha wiilkii ku dhintay dagaalkii shalay oo diiday qorshaha mucaaradka + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Aabaha dhalay Liibaan Xaashi Ciise oo kamid ahaa ciidanka ilaalada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, laguna dilay iska hor imaadkii shalay ka dhacay saldhiga Warta Nabadda ayaa si cad u diiday kaar qoxashada mucaaradka ee dilka wiilkiisa.

Aabbe Xaashi Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wiilkiis u dhintay qadar, wuxuuna ka baaqsaday in dilka wiilkiisa ku eedeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, oo mucaaradka uu sheegay inay ka dambeeyeen.

Aabahan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wiilkiisa uu ka tegay afar caruur ah. “Afaara dowlada ha i gelin wiilkeyga qadar ayuu u dhintay caruurna wuu ka tegay,” ayuu yiri Aabaha dhalay Liibaan.

Dilka Liibaan iyo iska hor imaadkii shalay ka dhacay Muqdisho ayay haatan siyaasiyiinta mucaaradka u adeegsanayaan dano shaqsi ah oo siyaasadeed, iyagoo ku andacoonaya in ay soo weerartay dowladda, halka ay lugahooda ku tageen saldhiga iyagoo wata ciidan iyo hub culus.

“Kuwii ka dambeeyay dilka Liibaan iyo weerarkii nalagu soo qaaday, waa lagala xisaabtami doonaa fal-dambiyeedkaas,” ayuu Raโ€™iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble ku yiri qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa Facebook.

Qoraalka Rooble ayaa waxay qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed uga fal-celiyeen si caro leh, iyagoo qeybta faallada ku weeraray hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Shacabka ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka wiilkaasi, iyagoo ugu yeeray “siyaasi daneyste ah”, maadaama iyagoo hubeysan ay tageen saldhig ciidan.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ayagu sheegay in ay saldhiga u tageen inay soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha danta guud, waxay dowladdu sheegtay inay jabiyeen xeerka xakameynta hubka, maadaama ay hub culus la tageen saldhig ciidan.

Sideedaba haddii ciidan iyo hub culus wargelin la’aan lala tago saldhig ciidan waxa u yar ee la filan karo waa iska hor imaad dhexmara ciidanka ilaalada ka haya saldhigaasi iyo kuwa halkaasi tegay.

Inkastoo mucaaradka uu ku doodayo in dareen shacab uu waday, haddana qiil uma noqon karto in saldhig ciidan la isku dayo in xoog lagu galo, maadaama ay ku xiran yihiin maxaabiis loo soo xiray Shabaabnimo iyo dilal kala duwan.

Mucaaradka oo weli u muuqda kuwa raba in carada shacabka ee ka dhalatay tacaddiyada booliska uga faa’iideystaan damacooda siyaasiga ayaa ku baaqay banaanbax ay ku sheegeen mid looga hortagayo tacaddiyada dowladda u geysaneyso shacabka.

Banaanbaxa uu iclaamiyay mucaaradka ayuu sheegay inuu dhacayo maalinta Sabtida oo taariikhdu tahay 27 September 2025, iyagoo shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan saddex goobood oo kala ah: Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile.

Si kastaba, waxaa saacadihii dambe laga dheehan karayay faallooyinka baraha bulshada ee hoggaamiyeyaasha mucaaradka sida shacabka uga caroodeen tallaabadii ay shalay qaadeen, oo dowladda ku tilmaamtay “qalqal gelin amni” xilli muddooyinkii dambe ay caasimadda ku naalooneysay xasillooni amni.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News