Muqdisho (Caasimada Online) โ Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sii daaysay laba askari oo loo haystay in ay sameeyeen saxiix aysan xaq u lahayn oo lagu sameeyay hooyo xaamilo ahayd oo markii dambe ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer.
Marxuumadda geeriyootay oo lagu magacaabi jiray Nimco Muuse Axmed ayaa waxay Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed saxiixeen in ay gashayo qaliinkaas oo khatar badan ku gadaamneyn, ugu dambeyn sababsaday nafteed
Labada Eedeysane oo lahaa xiriir aan dhaafsiisneyn in ay ahayeen dad asxaab ah, ayaa isbitaalo kala duwan oo ay geeyeen marxuumada laga wada helay hal natiijo oo isku mid ah, taas oo ah in qaliin lagu umuliyo, maadaama uu ilmaha uurka ku jiro uu yahay mid dhintay, ayna maraan habraaca.
Waxa ay dib ugu laabteen isbitaalka Digfeer, iyaga oo sheegay in aysan awoodin qarashaadka isbitaalka, maamulka isbitaalka ayaana u fidiyay adeeg caafimaad oo lacag laโaan ah marxuumadda.
Waxaa loo baahday saxiixa ehelka marxuumada ama aabaha cunuga caloosha ku jira oo waajib sharci ah ka aheyd isbitaalka in la maro habraacaas.
Waxay saxiixeen qaliinkeeda iyaggoo kala matalay seyga iyo walaalka marxuumad Nimco Muuse Axmed oo sodon iyo kowda bishii saddexaad ee sanadkaan geeriyootay qaliin loogu sameeyay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday labaatankii bishaan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta siiyay xoriyadooda Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed, maadaama uu ujeedkoodu ahaa badbaadada hooyada xaamilada aheyd.
Waxaana go’aanka maxkamadda la wadaagay warbaahinta G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.