Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa goordhow xoriyadooda dib ugu celiyay nabadoono ka tirsan beesha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
Nabadoonnadan oo gaaraya illaa 25 oday ayaa dib u helaya xoriyadooda kadib saacado ay ku xirnaayeen saldhiga booliska degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Nabadoonada ayaa markii hore laga soo xiray hotelka Lafweyn ee degmada Kaaraan, halkaasi oo ay shir ku lahaayeen, kadib markii ciidamada amniga ugu galeen hotelka.
Sheekh Shariif ayaa goor sii horeysay si adag u cambaareeyay xariga Nabadoonada, isagoo ku tilmaamay fal dhaawac ku ah karaamada odayaasha dhaqanka.
Madaxweynihii hore oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in banaanbaxa berri uu dhacayo, ayna xaq u leeyihiin in shacabka muujiyaan dareenkooda, isla markaana aysan ka laabanayn.
“Waxaa la socotiin in ciidamo lagu soo wareejiyo meesha uu mucaaradka ku badan yihiin. Ciidamadan sow ma fiicnayn in aagaga dagaalka aadan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray buunbuunin uu sheegay in laga sameynayo ciidanka hubeysan ee ay wataan mucaaradka, kaasi oo uu sheegay in aysan ka duwaneyn ilaalada ay wataan madaxda dalka.
“Ilaalada aan wadano waa kuwii aan shalay wadanay waaye oo Madaxtooyada ku tegi jirnay, oo isbitaalka ku tegi jirnay, saldhiga in aan ku tagno maxaa diidaya. Saldhiga sidiisaba waa goob cadaaladeed, booliska wuxuu la shaqeeya maxkamadaha iyo cadaalada, oo mucaaradka tagaya oo muxaafidka tagaya,” ayuu yiri Shariifka.
Xalay ayay aheyd markii la xiray Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, isla markaana saacado kadib lasii daayay.
Sii deyntooda ayaa timid kadib markii ay soo dhex galeen xubno mucaarad ah oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Ugaas Dhagey Geelle, Senator Dhagdheer, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kuwaas oo lagu sheegay inay kaalin muuqata ku yeesheen damiinta lagu sii daayay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sii dayntood uu soo amray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan shirka Qaramada Midoobe ee New York.
Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa horey uga mid ahaa siyaasiyiinta iyo ganacsatada si adag uga hadlay muranka dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareyneyso. Arbacadii waxay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa ee rasaasta lagu kala eryay xilli ay ku sugnaayeen Saldhigga degmada Warta Nabadda.
Arrimahan ayaa sii hurinaya xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho, xilli mucaaradku ay abaabulayaan bannaanbax ballaaran oo berri ka dhacaya caasimadda, kaas oo dowladda si weyn uga horjeedo.

