Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safarkiisi Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shirweynihii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay, kaasi oo looga arrinsanayay caqabadaha taagan, xiisadaha soo kordhay iyo saameynta isbeddalka cimilada.
Xasan Sheekh ayaa intii uu joogay shirka wuxuu kulamo doceedyo kala duwan la yeeshay hoggaamiyeyaal caalami ah, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo khuseeya xaaladda Soomaaliya iyo iskaashiga caalamiga ah.
Soo laabasahda madaxweynaha ayaa qeyb ka ah furitaanka baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu berri si rasmi ah u furo kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka dhici doona xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
Furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa mucaaradka iyo dowladda.
Horey furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa dib u dhac ku yimid kadib cadaadis ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Kalfadhiga Baarlamaanka oo qorshuhu ahaa inuu furmo 20-kii bisha ayaa baaqday, waxaana lagu wadaa in la furo maalinta berri ah ee 29-ka bishan September.
Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona furitaanka kalfadhiga, taas oo uu uga hadlayo waxyaabihii u qabsoomay dowladda muddadii uu Baarlamaanku fasaxa ku jiray.
Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli uu weli si hoose u jiro guuxa mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kaas oo muddooyinkii dambe ay xukuumaddu ka shaqaynaysay fashilintiisa.

