26 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Jabuuti oo guul taariikhi ah ka gaartay kiiskii DP World

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Dawladda Jabuuti ayaa Talaadadii soo dhoweysay go’aan ay maxkamad dhexdhexaadin ah oo fadhigeedu yahay London ku diidday dalab magdhow ah oo dhan hal bilyan oo dollar oo ay soo gudbisay shirkadda DP World, iyadoo ku tilmaantay xukunkaas “guul taariikhi oo muhiim u ah” oo ay ka gaartay murankii muddada dheer ka taagnaa dekedda konteennarada ee Dooraale.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu sheegay in go’aankan — oo ay 29-kii Sebtembar soo saartay Maxkamadda Dhexdhexaadinta Caalamiga ah ee London (LCIA) — uu yahay “guul si gaar ah muhiim ugu ah Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shirkadda Dekedda Jabuuti ee PDSA (Port de Djibouti SA).” Go’aanka, ayaa lagu daray, “wuxuu mar kale adkeynayaa xuquuqda sharciyaysan ee Jamhuuriyadda Jabuuti.”

DP World waxay dalbatay ku dhowaad $1 bilyan oo doollarka Mareykanka ah oo ay ka rabtay PDSA, iyadoo ku andacoonaysay khasaare ka soo gaaray ka dib markii Jabuuti ay joojisay heshiiskii oggolaanshaha sanadkii 2018. Si kastaba ha ahaatee, maxkamaddu waxay xukuntay in PDSA, oo ah hay’ad gaar loo leeyahay, aysan mas’uul ka ahayn arrintan, maadaama joojinta heshiisku ay ka dhalatay “go’aan madax-bannaani ah oo ay gaartay Jamhuuriyadda Jabuuti.”

Dalabkaas magdhowga ah ayaa lagu tilmaamay “mid aan sal iyo raad toona lahayn oo gebi ahaanba la diiday,” iyadoo lagu amray DP World inay bixiso dhammaan kharashaadkii ku baxay dhexdhexaadinta iyo inay u celiso shirkadda PDSA lacagtii kaga baxday qareennada, taasoo wadarteedu dhan tahay $1.85 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Dawladdu waxay cambaaraysay waxa ay ugu yeertay “xeeladaha dacwadaha isdaba-joogga ah iyo cadaadiska warbaahineed” ee DP World, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in keliya “heshiis toos ah oo dhexmara DP World iyo Jamhuuriyadda Jabuuti” uu soo afjari karo khilaafka ganacsi ee jira.

Asalka muranka

Muranku wuxuu salkiisu ku xiran yahay Dekedda Konteennarada ee Dooraale (DCT), oo ah deked istiraatiiji ah oo ku taal meel u dhow magaalada Jabuuti. Heshiiska oggolaanshaha waxaa la bixiyay sanadkii 2006 iyadoo la raacayo sharciga Ingiriiska, taasoo siisay DP World saddex-meelood-meel saami ah iyo maamulka howlgallada, halka dawladdu ay inta kale ku lahayd shirkadda PDSA.

Markay ahayd 2014, Jabuuti waxay dacwad dhexdhexaadin ah ka gudbisay DP World iyo DCT, iyadoo shirkadda ku eedaysay musuqmaasuq iyo khaladaad kale oo ay gashay si ay heshiiskaas u hesho. DP World ayaa dhankeeda ku jawaabtay eedaymo ku saabsan lacago faa’iido oo aan la bixin iyo ku xad-gudubka heshiiska gaarka ah.

Intii u dhaxaysay 2016 iyo 2017, maxkamadda LCIA waxay soo saartay go’aanno hordhac ah. Bishii Febraayo 2017, waxay diidday codsi ay Jabuuti ku doonaysay in lagu buriyo heshiiska oggolaanshaha, waxaana bishii Juun 2017 ay Jabuuti ku amartay inay bixiso kharashaadkii dacwadda.

Bishii Agoosto 2018, Jabuuti ayaa si kedis ah u joojisay qandaraaskii waxayna la wareegtay maamulka dekedda — tallaabadaas oo DP World ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah. Maxkamadda LCIA ayaa markii dambe xukuntay in Jabuuti aysan u haysan sabab sharci ah oo ay ku buriso heshiiska, kaasoo “weli ah mid sax ah oo sharciyad ku fadhiya… inkastoo ay jiraan wareegtooyinkii 2018.”

Bishii Abriil 2019, maxkamaddu waxay ku amartay Jabuuti inay bixiso qiyaastii $385 milyan oo dollar iyo dulsaar. Saraakiil sare oo ka tirsan Jabuuti ayaa diiday go’aankaas, iyagoo ku dooday in xukunka maxkamaddu uu ku xad-gudbay xuquuqda madax-bannaanida ee dalka.

Aboubaker Omar Hadi, oo xilligaas ahaa madaxa dekedaha iyo aagagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti, ayaa si cad oo aan gabasho lahayn u shaaciyay: “Nama quseyso waxa ay tiri Maxkamadda Dhexdhexaadinta ee London… xukunka ay ridday nama khuseeyo.”

Tan iyo markaas, DP World waxay ka shaqaynaysay sidii loo fulin lahaa go’aannada LCIA iyadoo u maraysa maxkamadaha adduunka oo dhan, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Hong Kong. Bishii Luulyo 2021, guddi kale oo LCIA ah ayaa xukmay in PDSA ay jabisay heshiiskii iskaashiga (joint-venture), waxayna ku amartay inay bixiso kharashkii qareennada DP World oo dhan £1.7 milyan oo giniga Istarliinka ah.

Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa dhowaan dhaqan-gelisay go’aan ay LCIA soo saartay oo dhan $200 milyan oo dollar oo lagu xukumay DP World. Shirkadda oo ka jawaabaysa arrintaas, ayaa uga digtay maalgashadayaasha “inay laba jeer ka fikiraan maalgashiga Jabuuti… [oo ah dawlad] aan wax ixtiraam ah u hayn heshiisyada sharciga ah oo ku beddesha sida ay doonto iyadoo aan oggolaansho iyo is-afgarad jirin.”

Inkastoo Jabuuti looga adkaaday dhowr wareeg oo hore oo dhexdhexaadinta ah, go’aankii 29-kii Sebtembar ee lagu diiday dalabkii magdhowga ahaa ee $1 bilyan ee DP World wuxuu astaan u yahay isbeddel muhiim ah.

Mas’uuliyiinta Jabuuti waxay ku adkaysanayaan in arrintan lagu xallin karo oo keliya wadahadallo toos ah, iyagoo sheegay in heshiiska noocaas ah uu ilaalin doono “danaha guud iyo sidoo kale madax-bannaanida qaranka” isla markaana uu ugu dambayn soo afjari doono sheekada Dooraale.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News