27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Soomaaliya oo qarka u saaran inay lumiso xubinimada urur ay ku biiristiisa waqti badan gelisay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qarka u saaran inay lumiso xubinnimada Ururka Bulshada Bariga Africa ee EAC.

Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ku biirtay ururkan ku guul-dareysatay dirista xildhibaannadii ku meteli lahaa ururka oo muddo badan laga sugayo, iyadoo ku biirista ururkan ay Soomaaliya ka qaadatay muddo badan, si xubin rasmi uga noqoto.

Dowladda ayaa dadaal weyn ku bixisay ka mid noqoshada ururka EAC, iyadoo shubtay qaadhan dhan $3.5 milyan oo doollar, balse sidoo kale weli ma hirgelin in dadka Soomaaliyeed ay si furan oo dal-ku-gal la’aan ah ugu socdaalan dalalka Bariga Afrika.

Kala-daadsanaanta dowladda iyo caqabadaha siyaasadeed ee gudaha ayaa la sheegay inay hortaagan yihiin ku-milanka dalka ee EAC, taasoo sababtay in shacabka Soomaaliyeed aysan wali helin faa’iidooyinkii laga filayay xubinnimada.

Inkastoo Soomaaliya ay bixisay khidmad dhan $3.5 milyan markii ay ku biiraysay ururka, haddana dadka haysta baasaboorka Soomaaliyeed ayaa wali wajahaya caqabado adag oo dhanka socdaalka ah.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda ku guul-darreysatay inay buuxiso jagooyin muhiim ah oo siyaasadeed iyo maamul oo kaga bannaan hay’adaha EAC.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay ururka ka kooban toddobo dal ee EAC, taariikhdu markii ay ahayd 4-tii Maarso 2024, taas oo ahayd gunaanadka dadaal socday muddo 15 sano ah, iyadoo lagu guulaystay ka dib sannado badan oo dalka uu wajahayay caqabado dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah.

Dadaalka Soomaaliya ay ku doonaysay inay ku biirto ururka EAC ayaa si weyn waxaa hormuud uga ahaa maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dooday in sababta ugu weyn ay ahayd in dalka uu la jaanqaado horumarka dalalka gobolka ee dhanka ganacsiga, isu-socodka bulshada iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Si kastaba, faa’iidooyinka la taaban karo ee laga filayay ku biirista ururka ayaan wali si muuqata loo arag. Shacabka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa ugu badan ee safarka ku taga gobolka ayaa filayay inay helaan fududeyn dhanka socdaalka ah, laakiin wali waxay la kulmayaan dhibaatooyin badan, sida in aysan wali helin fiiso la’aan ay ku galaan dalka Kenya, oo ah adeeg ay inta badan dalalka Afrika helaan marka laga reebo Soomaaliya iyo Liibiya oo keliya.

- Advertisement -

Read more

Local News