29.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

TRUMP oo saxiixay amar madaxweyne oo lama filaan ah oo ku saabsan dalka Qatar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ballanqaaday in weerar kasta oo hubeysan oo lagu qaado dalka Qatar uu ula macaamili doono sidii mid halis ku ah amniga gaarka ah ee Mareykanka, sida lagu sheegay dokumenti la daabacay Arbacadii oo qeexaya in ciidammada Mareykanku ay soo dhex geli karaan si ay u difaacaan dalkaas Bariga Dhexe ku yaal.

Dowladda Qatar ayaa Arbacadii soo dhoweysay amarka Trump, waxayna ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo xiriirka dhanka difaaca iyo iskaashiga labada dhinac, sida ay sheegtay wasaaraddeeda arrimaha dibadda.

Amarkan madaxweyne – oo u muuqda mid si weyn u sii qotodheeraynaya ballanqaadka Mareykanka ee Qatar – wuxuu yimid ka dib markii bishii hore ay Israel isku dayday inay duqeyn cirka ah ku disho hoggaamiyeyaal ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa magaalada Doha.

Duqeyntaas, oo la qaaday iyadoo aan si buuxda loogu sii wargelin maamulka Trump, ayaa walaac weyn ka dhalisay Washington, marka la eego xiriirka dhow ee Mareykanka la leeyahay Qatar, oo martigelisa saldhigga ugu weyn ee milatariga Mareykanka ee gobolka.

Ballanqaadka jawaab-celinta

Dokumentiga waxaa taariikhdiisu ahayd Isniintii, maalintii uu Trump ku martigeliyey Aqalka Cad Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, uuna soo bandhigay hindise lagu soo afjarayo dagaalka Gaza. Qatar waxay ahayd dhexdhexaadiye muhiim ah oo u dhaxeeyay Mareykanka, Israel iyo Xamaas ee arrimaha dagaalkaas.

“Mareykanku wuxuu u arki doonaa weerar kasta oo hubeysan oo lagu qaado dhulka, madaxbannaanida, ama kaabayaasha muhiimka ah ee Dowladda Qatar inuu yahay mid halis ku ah nabadda iyo amniga Mareykanka,” ayaa lagu yiri amarka.

“Haddii uu dhaco weerarkaas oo kale, Mareykanku wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee habboon – oo ay ku jiraan kuwa diblomaasiyadeed, kuwa dhaqaale iyo, haddii loo baahdo, kuwa militari – si loo difaaco danaha Mareykanka iyo kuwa Dowladda Qatar, looguna soo celiyo nabadda iyo xasiloonida.”

Sidoo kale, dokumentiga wuxuu sheegay in saraakiisha sare ee difaaca iyo sirdoonka Mareykanku ay sii wadi doonaan qorsheynta xaaladaha degdegga ah ee ay la leeyihiin Qatar si loo xaqiijiyo jawaab-celin degdeg ah oo laga bixiyo weerar kasta.

Dalka deriska la ah ee Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer raadinayay dammaanad qaad noocan oo kale ah, taasoo qayb ka ahayd dadaallada Washington ee lagu doonayay in lagu caadiyeeyo xiriirka u dhexeeya Riyadh iyo Israel, balse heshiiskaas ma uusan hirgelin. Bishii la soo dhaafay, Sacuudi Carabiya waxay heshiis is-difaac wadaag ah la saxiixatay dalka Pakistan oo haysta hubka nukliyeerka.

Hadiyadda diyaaradda ee Qatar

Inkastoo madaxweynuhu uu gorgortan ka geli karo heshiisyada is-difaaca guud sida kii lagu aasaasay NATO, waxay u baahan tahay ansixinta Aqalka Senate-ka si ay sharci u noqoto. Amar madaxweyne waxaa burin kara madaxweyne kasta oo Mareykan ah oo mustaqbalka yimaada, mana cadda waxa ku qasbi kara Mareykanka inuu fuliyo ballanqaadkan.

Amarka Trump wuxuu ka sarreeyaa amar uu sanadkii 2022-kii soo saaray madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Joe Biden, kaasoo Qatar u magacaabay xulufo weyn oo aan ka tirsanayn NATO (major non-NATO ally), taasoo oggolaanaysay iskaashi militari oo la kordhiyey balse aan gaarsiisnayn ballanqaadka ah in la difaacayo Qatar haddii la soo weeraro.

Ma jirin wax jawaab ah oo dhanka militariga Mareykanka ah markii ay Qatar soo weerartay Iran bishii Juun ka dib duqeyn uu Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran.

Maamulka Trump ayaa bishii Maajo si rasmi ah u aqbalay diyaarad raaxo oo nooceedu yahay Boeing 747 oo hadiyad ahaan uga timid Qatar, waxaana militarigu ka shaqeynayaa sidii loogu diyaarin lahaa isticmaalkeeda Air Force One-ka cusub ee uu madaxweynuhu ku safro. Trump wuxuu iska indha tiray walaacyadii dhanka sharciga iyo anshaxa ee ku saabsanaa wareejinta diyaaraddaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, ayaa booqday Doha ka dib duqeyntii Israel, wuxuuna sheegay in heshiis iskaashi difaac oo la xoojiyey la gabagabeynayo in lala galo Qatar.

- Advertisement -

Read more

Local News