Muqdisho (Caasimada Online) – Safarkii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu waday inuu Jimcaha ku tago magaalada Kismaayo ayaa shaki ku jira, kadib markii caqabado siyaasadeed soo baxeen oo quseeya xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku dhow socdaalka.
Wafdiga hordhaca ah ee madaxtooyada iyo ciidanka ilaaladiisa oo shalay qorshuhu ahaa in ay Kismaayo gaaraan ayaan weli safrin, waxaana dib u dhaca loo sababeeyay in aan la fulin tallaabooyin hordhac u ahaa socdaalka Madaxweynaha. Madaxtooyada ayaa lagu waday inay soo saarto warqad ku saabsan mowqifkeeda muddada xil-haynta madaxweyne Axmed Madoobe, arrin khilaaf dhalisay.
Jubaland waxay dalbatay in wadahadalada Kismaayo ka dhaca aysan ku jirin dood ku saabsan sharciyadda doorashadii uu Axmed Madoobe kusoo baxay. Shuruuddan, oo la sheegay in lagu soo daray wadahadalada kadib kulan dhexmaray Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, ayaa noqotay mid caqabad ku ah socdaalka Madaxweynaha.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in hoggaamiyaha Jubaland uusan weli diyaar u ahayn inuu la kulmo Madaxweynaha, iyadoo suuragal ah in Axmed Madoobe uun Kismaayo tago kaddib Isniinta, taas oo meesha ka saaraysa jadwalkii hore ee socdaalka.
Wararka ka imaanaya Villa Somalia ayaa tilmaamaya in haddii wada-hadalladu toddobaadkan ka qabsoomi waayaan Kismaayo, dowladda federaalka ay qaadi karto mid ka mid ah laba tallaabo oo culus, kuwaas oo xaaladda ka sii dara kara, islamarkaana meesha ka saari kara rajada heshiis la gaaro, kuwaas oo ah:
1- In dib looga bilaabo Garbahareey dhismaha Jubaland cusub oo dowladda taageerto.
2- In la hakiyo qaadkii Kenya uga imaan jiray Soomaaliya, si loo cadaadiyo Kenya.
Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujiyay rabitaan ku aaddan safarkiisa, haddana waxaa muuqata in Axmed Madoobe ku adkaysanayo shuruudihiisa.
Dhanka kale, wada-hadallo dheeraad ah ayaa ka socda magaalada Nairobi, halkaas oo Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay kula kulmayaan xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta. Ilaa hadda, ma jiro cadaadis muuqda oo ka imanaya Kenya oo ku khasbaya Axmed Madoobe inuu si degdeg ah ugu laabto Kismaayo.
Si kastaba ha ahaatee, dib u dhaca socdaalka Madaxweynaha iyo caqabadaha taagan ayaa muujinaya in wadahadalladii muddada todobaadyada la hadal-hayay ay ku jiraan xaalad adag oo aan wali la xallin.