26.1 C
Mogadishu
Friday, November 21, 2025

Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay magacaabista laba xil oo cusub iyo laba qodob kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Golaha ayaa si buuxda u meel-mariyay in Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle uu noqdo Xisaabiyaha Guud ee dowladda, kaas oo leh khibrad la xiriirta Maamulka Maaliyadda  iyo hannaanka xisaabaadka guud.

Ninkan ayaa horay usoo noqday wasiirka maaliyadda maamulka HirShabelle, waxaana magacaabistiisa ay ku timid cadaadis Madaxweynaha ka heystay Beesha uu kasoo jeedo, kadib xilka qaadistii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sidoo kale, kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa waxaa lagu ansixiyey Istiraatiijiyadda Qaran ee kahor tagga qaraxyada macmalka ah, si loo sii xoojiyo amniga dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo hadda maraya meel wanaagsan.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda maanta ku ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed, oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajakistan, kaas oo isna muhiim ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay kulanka.

Waxaa kale oo kulankan lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha ee Aqoonsiga Qaranka iyo latashiyada dhamaystirka Dastuurka ee qeybaha bulshada.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo ku aadan dhammeystirka Dastuurka iyo hirgelinta qorshaheeda ku aadan qof iyo cod, inkastoo weli ay taagan tahay dooda qabaan siyaasiyiinta mucaaradka, madaxda Jubbaland iyo Puntland.

“Dastuurka inuu qabyo noqdo waan diidnay dhowr iyo 10 sano inuu socdo wax keeni karo ma jiro, aqli ma keeni karo sharci ma keeni iyo dowladnimo, marka dhammeystirka Dastuurku waa inuu ballan noo wada noqdo” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin oo xalay ka hadlay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Xukuumaddan maalinkii ay timid illaa maanta hadal kaliya ma ahayn waxay u howlgashay si ficil ah & ka go’naasho Dastuurka inay dhammeystirto”.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed, waxaana si weyn isku haayo mucaaradka dalka iyo dowladda oo xiisaddoodu ay isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaalkii dhawaan ku dhex-maray saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Read more

Local News