Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay khudbad xasaasi ah oo uu Jimcihii shalay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada, isaga oo uga hadlay khilaafka xooggan ee kala dhexeeya mucaaradka iyo arrinta hubka oo iyana ah xaalad taagan.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in marnaba aysan dowladdiisu aqbalayn in hub culus lagu dhex qaato caasimadda, oo hore looga dhaqan-geliyay xeerka xakameynta hubka.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale si cad u sheegay in isagoo Madaxweynaha dalka ah uusan qaadan gaari uu ku xidhan yahay dhashiike, sidaas darteedna ay tahay in sideeda loogu hoggaansamo xeerka xakameynta hubka.
“Aniga oo Madaxweynaha dalka ah, ma qaato gaari uu ku xidhan yahay qori dhashiike ah, cid kalena laga aqbali maayo inay Muqdisho ku dhex waddo baabuur ay qoryo saaran yihiin,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbaddii Jimcaha ee shalay.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu dhawaan magaalada Muqdisho ka dhacay qalalaase amni, iyadoo iska hor imaad u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka uu dhacay, kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ciidan hubeysan la tageen saldhigga Warta Nabadda.
Haddaba sidee looga falceliyay khubadda Masaajidka ee Xasan Sheekh?
Cabdirisaaq Xaashi: “Madaxweynow Masjidka cibaadaa loogu talagalay ee ma hawshii ayaa soo celisay?”.
Axmed Naaji: ” Dalkaan meel fog baa laga keenay cid laga yeelayo maleh in dib loo celiyo. Mahadsanid Mudane Madaxwayne”.
Cabdi Cabdule: “Madaxweyne inta aad waqtigaaga lagu jiro talada dalka adaa masuul ka ah kuwa qeylinaa buudka kula tumo”.
Cabdulahi Fiidow: “Masjidka iska daayee fagaaraha imow Madaxweyne”.
Cumar Xaaji: “Waa tanaasulaynaa iyo waxa aan wado waa wadaa oo ma joojinaayo bal see la isu qabadsiiyaa?”.

