26.9 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo muhiim ah kadib ku laabashadiisii Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Jimcihii shalay dib ugu laabtay Kismaayo ayaa qaaday tallaabo muhiim ah, kadib munaasabad wayn oo ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Axmed Madoobe ayaa isla markii uu ka dagay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu xarigga ka jaray dib-u-habeyn lagu sameeyay qeybo kamid ah Garoonka oo ay kamid yihiin qeybta martida gaarka ah iyo qeybta dadka safarka ku baxaya.

Dib-u-habeyntani ay wax badan kusoo kordhinayso shaqada iyo adeegyada garoonka, sida ay shaacisay dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Xarunta koowaad ee uu xarigga ka jaray Axmed Madoobe ayaa loogu talagalay in ay fududeyso adeegyada kastamka, islamarkaana dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka ay si raaxo leh ugu sugaan safarkooda,

Dhismaha xaruntan ayaa si casri ah loo dhisay loona qalabeeyay, waxaa hirgelisay dhismeheeda wasaradda maaliyadda Jubaland oo kaashanaysa Mashruuca PREMISE, kaas oo si gaar ah u taageera howlaha furdooyinka.

Xarunta labaad ayaa iyana si gaar ah loogu talagalay, Martigelinta dadka u baahan qaybta nasashada ee garoonka, qabashada shirar iyo munaasabado muhiim ah, marti galinta gaarka ah, xaruntan waxaa si wadajir ah u maalgeliyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada reer Jubaland oo iska kaashaday.

Xarumahan cusub ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaarinta dhismayaasha adeegyada Dowladda, waana qorshe ay Wasaaradda Maaliyaddu  wado sidii looga  hirgelin lahaa xarumo wax ku ool ah si guud Jubaland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa sheegay in xarumahan cusub ay caddeynayaan dadaalka joogtada ah ee dowladdu ku bixineyso, Casriyeynta adeegyada maaliyadeed, Kor u qaadista dakhliga gudaha, Hagaajinta adeegyada muwaadiniinta iyo rakaabka ka dhoofaya garoonka.

Si kastaba, ku laabashada Axmed Madoobe ee Kismaayo ayaa kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah oo ay weli taagan tahay xiisadda kala dhexeysa Dawladda Federaalka, waxaana haatan aad loo hadal hayaa safar lagu wado in Madaxweyne Xasan uu ku gaaro magaaladaas, walow ay soo wajaheen caqabado sii xoojinaya khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News